Madaxweynaha Jabuuti oo Xafiiskiisa ku Qaabiley Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland

0
400

Jabuuti (Dawan)- Madaxweyne   ku xigeenka  Jamhuuriyadda Somaliland, Md.   C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici),  oo booqasho ku joogga dalka Jabuuti, ayaa shalay kulan la yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Weftiga madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee booqashadda ku jooga Jabuuti waxaa ka mid ah wasiiru dawlaha wasaaradda qorshaynta qaranka Cismaan Xasan Cali, halka dhinaca  Jabuuti  ay kulankaasi goob joog ka ahaayeen wasiirka wasaaradda beeraha,  biyaha iyo talaalka xoolaha, Maxamed Axmed Cawaale, iyo Guddoomiye  ku xigeenka labaad ee baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed C/laahi.

Kulanka  madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo madaxweynaha Jabuuti, waxay   kaga wada hadleen xidhiidhka ka dhexeeya labadda dal, gaar ahaana amaanka iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan Saylici, oo markii kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankaasi uu salka ku hayay sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga Jabuuti iyo Somaliland, oo uu ku  tilmaamay  kuwo ay danno badani ka dhexeeyaan.

Waxaa kaloo uu intaa ku daray in ay dhinacoodda u bandhigeen madaxwyen Geelle ruduufihii adkaa ee abaarihii Somaliland soo maray  iyo  xannuunada ka danbeeyay  oo ka mid ah raadadkii ay abaartu ka tagtay. “Sida aad la socotaan danno badan ayaa naga dhexeeya, dad walaalo ah ayaan nahay, dad jaar ah ayaan nahay. Waxaanu ka wada hadlaynay arrimo badan  sida xagga Nabadgelyada, dhaqaalaha iyo  isku soo dhawaanshiyaha labada ummadood.

Madaxweynaha aad ayaan ugu mahad naqayaa sida wanaagsan ee uu ii soo dhaweeyay. Abaarro adag ayaa ina soo maray sanadkii hore ilaa sanadkan aan ku jirno, laba jeer ayay Jabuuti gacan ka gaysatay, aad ayaanan ugaga mahad  naqnay, madaxweynaha Jabuuti gacan uu naga siiyay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply