Bisha Ramadaan iyo Duruufaha ku Gedaaman Dadka Qaba Xannuunada Maskaxda

0
390

Hargeysa (Dawan)- Bishan barakeysan ee Rabadaan, duruufo adag oo dhinaca nolosha ah ayaa la soo darsay, islamarkaana ku gadaaman dadka xanuusanaya ee aan maskax ahaan fayoobeyn. Duruufahaasina waxaa sabab u ah Huteelada dadku ka cunteeyaan oo la xidho bishan.

Maxamed Xuseen Jagac oo ah nin muwaadin ah oo qurba-jooga ayaa isagu isu xilqaamay sidii uu dadka xanuusanaya ee aan maskax ahaan fayoobeyn uu u quudinlahaa, waxaanu muwaadinkani sannad kasta bishan oo kale uu quudiyaa dadka maskaxda ka xanuunsanaya ee ku dhaqan magaalada Hargeysa.

Maxamed Xuseen oo  u waramay Tv-ga Horn Cabdle xili uu ku guda jiray qaybinta raashinkan bisil ee uu u qaybinayo dadkan xanuusanaya ayaa waxaa uu yidhi “Waxaan hawshan waday muddo badan oo aan sanad walba bishan oo kale uga imaada dalka dibadiisa dadkan walaalahey ah, dadkaasi oo si weyn ugu dayacan gidaarada iyo meelaha dhirta hoosteeda ah, dadkani bishan barakeysan ee Rabadaan goobihii ay wax ka cuni jireen waa laga xidhay iyada oo awalba aan la daryeeli jirin, hanbada Hudheelada ayay cuni jireen”

“Iyada oo aanay Rabadaanba aheyn ayaanay qaarkood isba ogeyn inay qadeeyeen amase biyaba cabeen waana kuwa sida Huteelka hadhwanaag, suuqa weyn dhexdiisa, saldhiga dhexe agtiisa, madaxtooyada agteeda idaacada agteeda, suuqa gobonimo, dadkani waa xiligii ay u baahnaayeen gar-gaar dhan walba ah iyada oo ay tahay bishi barakeysneyd bishi Ramadaan bishii kheyrka laheyd ee Illaahey xasanaadka laban laabayay, ayaa dadkaasi oo ah dadkeeni labada maalinimo markay tahay ay haraad waliba gaajo u dheer tahay u dhimanayaan, dadku waxaa ay yidhaahan ninka waalina waxbuu dilaa laakiin waa been ee marku gaajoodo ayuu wax dilaa” ayuu yidhi Maxamed Xuseen Jagac

Cabdilqaadir Cali Yuusuf oo ka mida shaqaalaha Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo isaguna raashin bisil u qaybinayay ayaa sheegay in saddexdii sanno ee ugu danbeeyay ay si gaara raashin bisil ugu karinayay waxaanu yidhi “Mudo imika saddexdii sanadood ee ugu danbeeyaya maalin walba waa loo keenaa cuntada si joogta ah maalin walbana in loogu sameeyo dadkaa Ilaahey xuskoodi ka qaaday waxaana nagu guubaabiyey oo ay maskaxdiisa ka timid Cabdilqaadir Xaashi.”

Dr. Mustafe Xuseen Xirsi gudoomiyaha cisbitaalka dhimirka ayaa isaguna ka warbixiyay xaalada nololeed ee dadka ku xidhan qabta waxaanu yidhi “Raashinka wey helaan oo cisbitaal ahaan anagu waanu u sameynaa hadana waxaa u keena dad muxsiniina sida Huteel Maansoor oo isagu maalin kasta ugu keena oo rabadaan iyo rabadaan la’aanba kama habsaanto, maantana waaba uu u sii kordhiyayba, marka ay nusa-saacaha gaadhana cano iyo timir ayaanu siinaa”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply