Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo ku Guuleystay Bakhtiinta Guryo Badan

0
361

Hargeysa (Dawan)- Ciidanka Dab-demiska Qaranka waaxdeeda magaalada Hargeysa ayaa shalay subax ku guulaystay bakhtiinta dab xoogan oo ka kacay goobo dhawr ah oo ka kala tirsan degmooyinka Ibraahin Koodbuur iyo Gacan-libaax ee caasmadda.

Subaxnimadii hore ee shalay ayay ciidamada dab-damiska qaranku ay ka hawl-galeen dab weyn oo kacay degmada Ibraahim Koodbuur gaar ahaan isgoyska Xero Awr, dabkaas oo noociisu ahaa Meherad Faarad ah, waxaana isla markii ciidanka dabdemiska lagu soo wargeliyay dabkaas, waxaanay daqiiqado yar oo kooban ku gaadheen goobtii dabkaasi ka kacay.

Dabkan ayaa waxaa sababay Shoodh Laydh sida dadweynaha goobta joogay u xaqiijiyeen ciidamada goobtaasi ka hawl-galay,, waxaana ciidanka dabdemiska caasimada Hargeysa si hagar la’aan ah ula dagaalameen dabkaas isla markaana ay u bakhtiiyeen iyadoo dhamaan laga soo samatabixiyay dad iyo duunyaba.

Sidoo kale, saacado yar kadib waxaa iyadana dab laga soo sheegay Degmada Gacan Libaax Gaar ahaan Xaafada Cabaaye, Dabkaasi oo ahaa Guryo Farabadan oo Jiingado ah,  isla markaana aad iskugu dhawaa dhamantood ayaa ciidanku mar labaad u baxay, waxaana ciidanka dabdemiska caasimada Hargeysa gaadheen goobtaas iyadoo isla markiiba la bilaabay hawlgalka dabkaas oo muddo saddex saacadooda qaatay.

Dhinaca kale, toban sarkaal oo ka tirsan ciidanka dabdemiska ayaa shalay dhaawacyo loo gaystay iyaga oo ku guda jira hawl-gal dab-damin ah, isla markaana gurmad ugu jira sidii ay u bakhtiin lahaayeen dab xoogan oo ka kacay xaafada Isteed Hawska [ State House ], ee magaalada Hargeysa, kadib markii dad halkaasi ku sugnaa ay dhagaxaan ku weerareen, waxaana saraakiishaasi oo afar ka mid ah ay xaaladooda caafimaad culustay la dhigay cisbitaalka guud.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply