Maxkamadda ICC oo Amartey in la Qabto Saif Gaddafi

0
397

Maxkamadda denbiyada caalamiga ah ee ICC ayaa ku baaqday ila qabto oo loo soo gacangeliyo Saif al-islam Qadaafi.

Seyf Al- Qadaafi  oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Liibiya  Col Muammar Gaddafi ayaa loo raadinayaa denbiyo la sheegay inuu ka galey aadamaha xilligii  kacdoonkii xukunka lagaga tuuray aabihii sannadkii 2011.

Haseyeeshee halka uu ku sugan yahay ayaan caddeyn tan iyo markii ay sii daayeen maleeshiyo heysatay.

Dowladda Liibiya ee ay taageerto QM ayaa canbaareysay sii deyntiisa.

Waxa laga cabsi qabaa  in tallaabadani dalka ku kicin karto degganaansho la’aan dheeraad ah.

Saif al-Islam ayaa laga sii daayay jeel jimcihii ay ky heysteen maleeshiyada  Abu Bakr al-Siddiq Battalion  ee magaalada ku taal galbeedka ee Zintan.

Leave a Reply