Hargeysa (Dawan)- Wasiiru Dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxamed Muuse Diiriye iyo maamulka Ciidanka Dab-demiska ayaa subaxnimadii hore ee shalay booqday askari ka tirsan Ciidanka Dab-demiska oo waxyeelo ka soo gaadhay hawlgal ciidanku ka sameeyay xaafada Istaad-hawska, waxaana illaa hadda lagu dawaynayaa askarigaas Cisbitaalka Hargeisa International.
Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa amaanay ciidamada Dabdamiska, waxaanu sheegay in Ciidanku muddooyinkii u dambeeyay ay ku jireen hawlgalo dab iyadoo ay tahay wakhti xagaaya dabkuna aad u badanyahay. Waxaanu askariga dhaawacmay ILLAAHAY uga baryay in uu caafimaad sareecan ah siiyo.
Maxamed Muuse Diiriye isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Askarigan dhaawacmay iyo ciidanku waxay ku jireen hawlgalas, Aqbali mayno iyadoo ciidanku Hawlgaladaa dadkooda ay ku badbaadinayaan ay ku jiraan in haddana la shiido oo la waxyeeleeyo iyadoo waliba ay Ciidanka Da-demisku ay dab kasta ku gaadhaan wakhti yar.”
Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha wuxuu sheegay in Guuleed Maxamed Carab oo ah askariga dhaawacu soo gaadhay uu yahay nin Da’ayar isla markaana mutadawac ah dadkiisa iyo dalkiisana diyaar u ah inuu u gurmado, isla markaana aan loo baahnayn in waxyeelo loogu baddalo heegankaa iyo dadaalkaa u wado.
Maxamed Muuse waxa uu bulshada ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan ciidamada Dab-damiska, maadaama oo ay badbaadinayaan Naf iyo Hanti ummadeed, waxaanu xusay wasiirku in la samayn doono wacyigelin ballaadhan oo dhankastaba leh, waxaanu tilmaamay inaan loo dul qaadan doonin mar dambe in dad loo soo gurmaday inay aad yar waxyeelaan dadkii u soo gurmaday.
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay inay Ciidanku markuu dabka u baxo badanka meel laga istaago la waayo dadweynaha oo aad ugu soo xooma, sidoo kale marka dabka gudaha loo galo iyadana dadweynuhu ay dhex yaacaan dabka la bakhtiinayo.
Sawaaxili waxa uu tilmaamay in ciidammada Dab-demiska lagu sameeyay cashuurta dadweynaha laga uruuriyo isla markaana loo baahanyahay in la ilaashado lana soo dhaweeyo, balse aan dagaal iyo shiid loogu abaal celin. dhanka kale Taliyuhu wuxuu sheegay in dadkii falalka ciidanka dab-demiska lagu dhaawacay gaystay Ciqaab la marin doono imikana Booliskku ku gacanta ku hayo.
Dawannews Hargeysa office