Caashacado (Dawan)- Diyaarado aan haybtooda la garanayn oo ah kuwa dagaalka ayaa waxay shalay duqaymo kala duwan ka gaysteen deegaano ka tirsan magaalada Saylac ee gobolka Selal .
Diyaaradahan oo ilaa hadda aan la garanayn cidda leh ayaa duqeeyeen deegaanada Duryaal iyo Caashacado oo ka tirsan degmada Saylac ee gobolka Selal, waxaana ay duqayntaasi ay sababtay khasaare.
Duqaynta diyaaradahan ayaa waxa Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Selal Axmed Naasir Maxamed Xaashi, waxaana uu sheegay in aanay illaa hadda garanayn cidda leh diyaaradahan duqaymaha gaystay iyo sababta ku kaliftay toona, sidoo kalena waxa uu shaaciyey khasaaraha ka dhashay duqaymahaasi ay deegaanada kala duwan diyaaradahu ka gaysteen.
Guddoomiyaha gobolka Salal isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waayaha ugu danbeeyey ee shalay dhacay haadaan ku horeeyo meesha Duryaal la yidhaahdo ayuu ka dhacay, hal reer baa daganaa, xoolo dhaqato ayay ahaayeen, caruur yaryar ayaa joogtay run ahaantii masuuliyiintii way ka maqnaayeen, caruurtii yaryarayd way sastay oo way yaaceen oo waa la waayey, sidoo kale Xoolihii ayaa caymaday oo diday, kan hore ee ka dhacay meeshan la yidhaahdo Caashacado ee galbeed ka xigta Saylac-na waxa weeye khasaaruhu waxa uu ahaa Neef ay kaga dhacday Dhagta oo Awr ah iyo neef kale oo isna Awr ah oo dhaawac ah, intaas ayaan ugu tagnay oo midna dhaawac yahay midna dhintay markii aan u tagnay ee aan soo waraysanay waxa weeye cabsi badan ayaa ka muuqatay labada meeloodba waxay ahaayeen meel dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato ahi daganaa, diyaaradduhu had iyo jeer way na dul maraan oo waxba noomay gaysan jirin laakiin baryahan danbe waxaad moodaa inay wax ku ridayaan”
Guddoomiyaha oo wax laga waydiiyey waxa uu isagu indhahiisa kusoo arkay markii uu kormeerka ku tagay deegaanadaa waxa uu yidhi “Anigu waxaan arkay hadda Kormeer ayaan ku jiraa waxana ka soo socdaa meeshii Caashacado, waa meesha ay labada Neef midna ku dhintay midna ku dhaawacmay,waxaan soo waraysanay oo aan soo aragnay dadkii Xoolaha lahaa ee meesha daganaa, waxa kale oo aan tagnay meeshii kale ee ay shalay duqeeyeen, labada gooboodba waxaan kasoo qaadnay midna dhawr iyo Soddon Xabo oo rasaas ah oo qasharkii ah meelna 60 xabo oo qasharkii Rasaasta ah”
“Waxay ahayeen diyaaradaha dagaalka ee la yidhaahdo Helibkobtarka, illaa hadda lama garanayo waxa loo bartilmaamaydsanayo,waa dad danyar ah, waa dad xoolo dhaqato ah, waa dad sidaa Kibirka ah xoolohooda looga laynayo, waana gardaro wax alle wax la odhan karo halkaa waxbaa ku jira ma jiraan. Weerarkan cidda gaysatay waan dabagalaynaa waanan raadinaynaa habab badan ayaan u dabagalnay, waxa weeye ma garanaysaa dhinaca Badda ee ciidamada Isbahaysigu ay dagan yihiin markaas halkaas ayay diyaaraduhu nagaga imanayaan sidaasaan u malaynaynaa habeen oo dhana xagaa Badda gariir baan ka maqalnaa iyo Hub la ridayo,” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Selal Axmed Naasir Maxamed Xaashi, waxaanu intaa ku daray “ waxa khasaare ka dhashay Caruurta yar yar ee la waayey ee xalay goor danbe la soo helay iyo Xoolahaa midna dhintay midna dhaawaca yahay iyo waliba xoolo badan oo markii Rasaasta lagu ridey diday oo la waayey, anagana waxa noo qorshaysan oo aan qaadaynaa in aan heli karno halka ay waxani ka yimaadeen oo aan wadamada Jaarka ah ee Jabuuti noogu dhaw dahay aan la kaashano bal inay waxan halkay ka yimaadeen nala baadhaan dawlada Somaliland lafteedana waan gaadhsiinay oo iyadana baadhitaanba laga wadaa,waxa weeye marka la ogaado wixii halkay ka yimaadeen ayaa wax ka qabashadeeduna iman kartaa”
Ma aha Markii ugu horaysay ee Deegaan ay duqayeen Diyaaarado aan ilaa hadda haybtooda la garan mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dawladda dhexe ee Somalilnd
Dawannews Hargeysa office