Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay kulan lagu lafo-gurayey barnaamij-siyaasadeedka xisbal-xaakimka

0
354

Hargeysa (Dawan)-Garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa kulan ballaadhan oo lagu lafo-gurayey barnaamij-siyaasadeed xisbiga KULMIYE ugu talogalay doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda la qaatay dhallinyarada iyo aqoon ka kala socda jaamacadaha dalka.

Kulankan oo xarunta garabka dhallinyarada ka qabsoomay habeen hore, ayaa waxa ka qaybgalay oo daah-furay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, hoggaanka garabka Dhallinyarada, saraakiil xisbiga ka tirsan aqoon yahanno madax bannaan iyo Dhallinyaro ka kala socotay jaamacadaha kala duwan ee dalka.

Ujeeddada kulankan loo qabtay oo ahayd sidii bahda aqoonyahanka ee wax ka barata jaamacadaha dalka looga qaybgelin lahaa barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE, isla markaana ay afkaartooda uga dhiiban lahaayeen, ayaa si weyn diirrada loogu saaray Afar qodob oo kamid ah tiirarka waaweyn ee udub-dhexaadka u ah Barnaamij-siyaasadeedka xisbiga, kuwaas oo kala ah Dhaqaalaha, Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada, Siyaasadda Arrimaha DIbadda iyo Maamul-wanaagga, waxana si mug leh aqoon yahanka hortooda uga sharraxay xubno aqoonyahan ah oo xubnaha dhallinyarada xisbiga iyo qaar madax bannaanba isugu jira.

Sharraxaad hufan iyo faaqidaad ballaadhan oo qoddobadan si qoto dheer loogu sameeyey kadib, ayaa bahda aqoonyahanka Jaamacadaha ee madasha ku sugnayd waxa ay qaybtooda ka qaateen aragtiyahooda la xidhiidha qoddobada loo sharraxay ee barnaamij-siyaasadeedka xisbiga kamidka ah, waxana ay mid mid u dul joogsadeen meelo ay u arkaan in wax ka-deddel iyo kaabis lagu samayn karo.

Talooyin iyo Tusaalooyin dhaxalgal noqon kara ayey xubnihii madasha kasoo xaadiray soo jeediyeen, waxana ay ka markhaati kaceen inuu Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE dalka horumar ballaadhan usoo jiidi karo haddii hirgelintiisa loo guntado.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu kelmado kooban madasha lagu gorfaynayey ka jeediyey, ayaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ka codsaday inay axadhaan, isla markaana faaqidaad dheeri ah ku sameeyaan Barnaamijka xisbiga, waxana uu u caddeeyey inuu xisbigu diyaar u yahay qaadashada talooyinka aqoonyahanka, maadaama oo ay yihiin hoygii Tacliinta, isaga oo si gaar ahna ugu dhiirrigeliyey inay si gaar ah isu dul taagaan qodobka ka hadlaya maamul-wanaagga, waxana uu yidhi, “Qodobka maamul-wanaagga aad ugu hakada oo hay’yadaha hore loo bilaabay ee maamul-wanaagga ka  shaqeeya ee Hanti-dhawrku kamidka yahay ee laga adag yahay ee bulshadu kasoo horjeeddo ee aynu is xamanayno ee aynu calaacalayno uun taas halloo  badheedho oo ha noqoto wax la is gaadhsiiyo in dagaalkaas la galo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay  inuu musuqu yahay aafo bulshada u horseedday dib-u-dhac iyo habsan u baahan in ka hor taggiisa cudud midaysan lagu wajaho, waxana uu yidhi,  “Dawladnimadeena waxa dilayaa waa musuqa oo xalaal inoo noqday, qabyaaladdana musuqaa wada, shaqo la’aanta musuqaa wada, musuquna wuxuu ka bilaabma ka waqtiga, ka hantida, ka hadalka iyo musuqa ballanta, haddii aan lagu dhiirranin oo aan col daacad ah oo ka daacad ah oo sibirta is gashada loo helina waligeen ka hor tegi kari mayno,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in bulshada looga baahan yahay inay yeelato kalsooni ay kaga  bixi karto dhibaatooyinka hor taagan, waxana uu yidhi, “Waa inaynu yeelano kalsooni aynu dhibaatadeena ku maarayno, dhibaatadani way joogi doontaa mar walba oo shaqo la’aanta, dawlad-xumada iyo Tacliinta hoos u sii dhacaysaa inagay ina hurran tahay inaynu xal u helno oo u baahan inaynu si badheedh ah uga wada-hadalno, dhibaatadanina way jiri doontaaye kuwa aynu dhali doono iyo mustaqbalka maxaynu ka badbaadin karnaa?.”

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu si adag uga digay dhaqan ay inta badan bulshada reer Somaliland qabatintay oo salka ku haya  in fikir qaldan laga aamino cidda siyaasadda hormoodka ka noqonaysa, waxana uu soo jeediyey in aqoonyahanka ummadda looga baahan yahay inay siyaasadda galaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waayuhu waxa ay dadka barayaan inaanay laba qodob is qabanaynin, kuwaas oo kala ah siyaasaddu waa wax xun oo af-miishaarradaa gala iyo wixii shaqo waayo oo looga yaaco, hadhowna ay iyagu madaxdii noqdaan oo ay aqoon yahankii halkaas uun ka calaacalaan oo yidhaahdaan tii horaa dhaantay, Adduunka Jaamacadahaa doodaha lagu qabtaa oo aqoonyahankaa wax bisleeya oo wax curiya oo Taariikhdii hore iyo tii Dambeba akhriya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply