Badhasaabka Sool oo Takiidiyey Baabiinta Deegaanno Cusub oo Laga Sameeyay Gobolkaas

0
367

Xudun (Dawan)- Gudoomiyaha gobolka Sool,  Cabdi khayre Dirir, oo uu wehelinayo taliyaha qaybta Booliska gobolkaas, Gaanshale dhexe,  Khaliif Maxamuud Cali (Afgaab), ayaa kormeer ku soo maray qaybo ka degmadda Xudun.

 

 

Guddoomiyuhu wuxuu  si adag uga hadlay kaamam iyo deegaanno cusub oo laga dhaxlay abaartii dalka ka dhacday, waxaannu   takiidiyey digreeto 8-dii  bishan ay ka soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Digreeto ayaa soo baxday 8-dii  bishan waxaanay amraysaa dhammaan gobolka Sool xuduudihiisa iyo inta gudaha ku jirtaba wixii la sameeyey ee deegaan cusub ah ama abaartu ha samayso ama cid danbe ha abuurtee in la tirtiro oo la baabiiyo annagu amar ayaan ku qabnaa saraakiisha ciidanku way ku amran yihiin, Meel kaam ah oo aan hore u jiri jirin oo abaartu magaalaysay ama hadda la magaalaynayo yeeli mayno,  suurta galna maaha in aanu  indhaha ka qarsanno,”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi Khayre.

 

Guddoomiyaha gobolka ayaa  odayaasha degmadda Xuddun ku canaantay inaanay si wanaagsan ula shaqeynin maamulka,  waxaannu  xasuusiyey  in deegaannada gobolka Sool ay maamusho Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana aan la ogolayn kooxo sheegta maamul goboleedyo waxaannu yidhi   “Xuddun waxay degmo ahayd muddo afartan sanno ku dhow in maanta maamulku sidii la rabay ula shaqayn waa ayaan darro haysta deegaanka, gobolka iyo qarankaba. waxaa masiibo ah in dhirtii aad lahayd inta lasoo shido in la keenno Laasacanood iyo deegaanno kale. qofka isaga oo shakhsiya  wuu tegi karaa halka uu doono balse isaga oo maamul sheeganaya halkan ma iman karo maamuul aan ka dawladda  Somaliland ahayni halkan ma iman karo meel kalena lagama ogola idinka sidaa uga war haya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply