Imtixaanka Shahaadiga ah oo Maanta ka Bilaabmaya Jamhuuriyadda Somaliland

0
560

Hargeysa(Dawan)-  Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,  Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadhwayne), ayaa sheegay in sannadkan ay Imtixaanaadka Shahaadiga ah  oo maanta ka bilaabmaya waddanka ay  fasallada afraad ee Dugsiyada Sare iyo siddeedaad ee dugsiyada dhexe in ay u fadhiisanayaan arday isu gayn ku dhow 20 kun oo arday oo  dalka oo dhan ah.

Waxa kaloo  uu sheegay in macalimiinta Imtixaanka ilaalinaya iyo ardaydaba in ay mamnuuc ka tahay  goobta Imtixaanka lagu qaadayo in ay mobile la yimaadaan.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in sannadkan ay ku soo biireen imtixaanka dugsiyada sare ee Shahaadiga ah dugsiyo  ka jira gobolka Badhan oo markii hore la geli jiray Puntland.

 

Waxaanu sidaa ku sheegay mar uu xalay khadka teleefoonka ugu warramay wargaydka Dawan.

Ugu Horrayn Guddoomiye Daa’uud oo ka hadlayay tirade ardayda fasalka afraad ee Dugsiyada sare iyo fasalka 8aad. ee dugsiyada dhexe ee imtixaanaandka shahaadiga ah u fadhiisanaya,ayaa yidhi. “Dugsiyda sare waxaa u fadhiisanay arday dhan 11.000 (kaw iyo toban kun) oo arday,fasalka 8 aad ee dugsiyada dhexena waxaa u fadhiisanaya 17000(todoba iyo toban kun) oo arday waxaanay isugu jiraan ardayda dhigata dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee dalka oo dhan.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray .121 Dugsi sare iyo 403 Dugsi dhexe ayaanay ardayda fasalada afraad ee dugsiyada sare iyo 8,aad. ee dugsiyada dhexe ka socdaan oo dalka oo dhan ah gobolka Badhan waligiiba imtixaanaadka dhahaadiga ah wuu nala gali jiray hadana wuu ku jiraa laakiin waxaa jiray dhawr isguul sare oo markii hore Puntland la gali jiray oo sanadkan nagu soo biiray oo Imtixaanka ku jira Buuhoodke iyo degmo kasta oo fasalada afraad ee dugsiyada sare iyo 8 aad ee Dugsiyada dhexe ay ka furan yihiin dalka oo dhan way ku jiraan.”

Guddoomiyaha oo ka hadlayay waxyaabaha ka mamnuuca ah ardayda iyo  macalimiinta Imtixaanka ilaalinaya,ayaa yidhi. “waxaa ka mamnuuc ah guud ahaan ardayda iyo macalimiinta imtixaanka ilaalinaya in ay wax mobil ah sitaan oo ay goobta imtixaanka la yimaadaan,waxaa keliya ee loo ogolyanay in uu hal mobil sito madaxa goobta  si uu ula soo xidhiidhi karo xafiiska imtixaanaadka, in badan yaanu ka qaylinay xilliyada imtixaanka Internetka imika Itoobiya maalmaha Imtixaanka hawadaba way ka saartaa laakiin inaga dawladda ayaanay gacanta ugu jirin oo shirkado ayaa maamula iyagana waanu ku daalnay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply