Madaxweyne Ku-xigeenka oo Furay Air Carabiya oo Duulimaadyo Ka Bilawday Dalka

0
343

Hargaysa (Dawan):  Shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia  oo laga leeyahay dalka isu-taga imaaraadka Carabta ayaa shalay si rasmi ah duulimaadkeedii ugu horeeyay  uga bilawday Somaliland, taasoo ka soo degtay   garoonka diyaaradaha Cigal ee magaaladda Hargaysa iyadoo siday dad rakaab ah.

 

Xaflad loo sameeyay  imaanshaha  shirkadda diyaaradda Air carabiya, laguna  daah-furayey xafiiskeeda Somaliland  oo shalay   lagu qabtay madaarka Hargeysa, ayaa waxa  xadhiga ka jaray madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha, oo ay wehelinayeen xubno  ka mid ah golaha wasiirrada   iyo hogaamiyeyaasha xisbiyadda siyaasadda.

Shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia ayaa la sheegay in  ay  todobaadkiiba laba jeer  duulimaadyo ku iman doonto Somaliland. Waxaana isla shalay madaarka Cigaal ka soo degtay diyaarad nooceedu ahaa Air Bus oo ay leedahay shirkadaasi, isla markaana siday dad rakaab  ah.

madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha madaxweynaha C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo khudbad ka jeediyay munaasibadii daah-furka xafiiska iyo bilawga duulimaadyadda shirkadda Air carabiya ayaa  guul qaran oo ay wada leeyihiin dhamaanba bulshadda Somaliland ku tilmaamay imaatinka shirkadda Air Arabia.

C/raxmaan Saylici, ayaa sheegay in  arrintaasi ay ku timid isku-tashiga bulshadda reer Somaliland ee ah in dalku uu noqdo mid nabad ah. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa  uu yidhi “Shirkadda Air Arabia, oo ku soo biirtay diyaaradihii hore ee madaarkan cigaal isticmaalayay   ama Somaliland ka ganacsanayay.  Waxaan  leeyahay runtii waa guul aynu wada leenahay, waa guul cid kastoo Somaliland ah ay leedahay, marka laga soo bilaabo maalintii ay gooni isku taagtay ilaa maanta,  inta nool iyo  intii dhimatay-ba waa guul ay wada leeyihiin. Waa mid  ku timid isku tashigeena, aynu ku gunud-nay in aynu dalkani nabad ka dhigno”.

 

Wakiilka Somaliland ee shirkadda Air Arabia C/salaam Xaaji Axmed, oo isna hadal ka jeediyay munaasibadii furitaanka  ayaa  sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in shirkadoodu duulimaadyo ka bilawdo Somaliland.

Waxaanu  u mahad celiyay xukuumadda Somaliland, wasiirka duulista iyo maamulka madaarka Cigaal oo uu sheegay in ay si wanaagsan ula shaqeeyeen, una soo dahweeyeen.  C/salaam Xaaji Axmed, oo faahfaahin ka bixinayay  duulimaadka cusub ee ay shirkadoodu ka bilawday Somaliland, waxa uu yidhi “Maanta (shalay) farxad weyn ayay noo tahay  kooxdayadda in aanu shirkadda Air Arabia keeno Somaliland oo insha ALLAAH   Hargaysa ka bilaabi doonta duulimaad laba cisho ah  todobaadkii.

Wasiirka  duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Farxaan Aadan Haybe, oo xafladaasi ka hadlay ayaa   “Sharaf   weyn ayay maanta (shalay) inoo tahay in aan halkan ku daah-furno, in shirkadda Air Carabiya ay Somaliland duulimaadyo ka bilawdo markii u horaysay. Waan u mahad celinaynaa madaxda ka socotay shirkadda ee halkan noogu yimid. Runtii ma aha markii koowaad oo ay dalka yimaadaan, dhawr jeer oo hore  ayay yimaadeen, intaaba dedaal la waday  ayay ahayd in ay qiimeeyaan oo ay ku qancaan adeega  aynu ku hayno madaarka diyaaradaha Hargaysa”.

Wasiirka ayaa ku  taliyay  in la joojiyo dacaayado uu ku tilmaamay in looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo horumarka iyo maalgashiga dalka. “Dalka ayay faa’iido u tahay iyo horumarkiisa  imaatinka   Air Arabia. Wixii maalgashi ah nooca uu doono ha noqdee, wixii dan u ah dalka ee aan dhib u keenaynin hala soo dhaweeyo, hana laga daayo dhaleecaynta  bayrta loo yeelayo” ayuu yidhi wasiir .

Sidoo kale  madaxda iyo maamulka madaarka diyaaradaha Hargaysa aad iyo aad  ayaan u salaamayaa. Dawladu-na si fiican ayay noo soo dhawaysay, wasiirka duulista hawadda Somaliland iyo kooxdii nala shaqaynayay. Waa sharaf weyn in Somaliland  xidhiidh duulimaad  ay u samayn doonto oo ay dadka u dhaweyn doonto.”

 

 

Maamulaha shirkadda Air- Arabia oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in duulimaadyadani ay tusaale u yihiin muhiimadda hawlaha shaqo ee ay ka bilaabayaan Somaliland. Isagoo xusay in khariidadooda caalamiga ah ee duulimaadyadda jihooyinka soo kordhaya ay ka mid noqonayso Somaliland.

“Hargaysa, waxaanu ku darnay khariidadayadda caalamiga ah ee jihooyinka soo kordhaya ee shirkadayadu ku xidhan tahay. Waxaanu aaminsanahay anagoo helayna taageeradiina in aanu aad u kordhino shaqadayadda dalkan aadka u quruxda badan.” Ayuu yidhi maamulaha shirkadda Air Arabia.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, oo iyagna ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa dalka ku soo dhaweeyay shirkadda Air Arabia.  Waxaanay sheegeen  in duulimaayadda cusub iyo   imaatinka shirkadani uu qayb ka noqonayo dedaaladda shaqo abuurka da’ayarta Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply