Shirkii 10-ka Bishan ay Somaliland iyo Khaatumo ku Yeelan Lahaayeen Burco oo Dib-u-dhacay iyo Masuuliyiin ka Hadlay

0
286

Hargaysa (Dawan)- Xubno ka mid ah guddiga Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u metelayay wadahadaladii u socday maamulka Khaatumo ayaa sheegay in dib loo dhigay shir loo balansanaa in 10-ka bishan July lagu qabto magaaladda Burco.

Sida uu dhigayay  heshiiskii ay  jamhuuriyadda Somaliland iyo kooxda Khaatumo 17-kii bishii hore ku kala saxeexdeen magaaladda Hargaysa oo ka koobnaa 5 qoddob, ayaa qodobka ugu danbeeya ee heshiiskaasi waxa uu sheegayay ‘In shir dambe la is-kugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si loo dhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay’.

Xubno ka mid ahaa guddiga Somaliland u qaabilsan wadahadalada Khaatumo oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Daakhiliga, ayaa ku  tilmaamay  dib u dhaca ku yimid qabsoomida shirkaasi  sababo farsamo, isla markaana la isla qaatay in shirku uu qabsoomo 24-ka bishan.

Arrimaha farsamo ee keenay dib u dhaca shirkaasi ayaa lagu sheegay in ay ka mid  tahay iyadoo in la isla qaatay in la magacaabo guddi qaban qaabo oo laba geesood ah, si ay u diyaariyaan ajandaha iyo hawlaha shirka   lagaga wada hadli doono iyo sidoo kale qaadashadda kaadhka codbixinta oo la filayo in ay dhawaan ka bilaabanto goboladda Togdheer iyo Maroodijeex.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Yaasiin Maxamuud  Xiir (Faratoon), oo faahfaahin ka bixinayay sababta dib loogu dhigay shirkii  hore loo qorsheeyay in  10-ka bishan July lagu qabto magaaladda Burco, waxaanu yidhi “Shirkii dhawaan  magaaladda  Hargaysa lagu wadahadlay Khaatumo, waxaa la gaadhay heshiis ah  in gogoshii uu dhigay madaxweynuhu ee ahayd in beesha Dhulbahante shir loo qabto in ay sideedda u fusho oo ka mid ahayd  qodobadda   lagu heshiiyay. Shirkaas oo markii hore qorshuhu ahaa in uu 10-ka bishan ka qabsoomo Burco.  Waxaa  la isla  af-gartay  in dib loo dhigay shirkaasi duruufo iyo hawlo yimid dartood, waxaana laga dhigay 24-ka bishan July, sidaas ayaa lagu heshiiyay”.

“Shirka  beesha Dhulbahante loo qabanayo, waxaa la isla gartay in uu u baahan yahay qorshe iyo is-af-garad, in gudi qaban qaabo oo laba geesood ah la abuurro ayay noqotay. Waxaana lagu heshiiyay in gudidaa qaban qaabadu ay shir ku yeeshaan Burco, shirkaas  oo ay kaga tashanayaan labadda gudi  sidii loo qaban lahaa shirkaasi,  oo lagu qorsheeyo cidda ka soo qayb gelaysa,  qaabka  ay  beesha shirka loo qabanayaa uga soo qayb gelayso, in la isla eego ajandaha shirku waxa uu  ka koobnaanayo, sidii lagu yaqaanay gudi qaban qaabo”.

Waxa kale oo uu wasiir Faratoon ka hadlay hawlo abaabul iyo kicin dadweyne uu ku tilmaamay oo ay sameeyeen Khaatumo,  abaabulkaas oo   ah  wax aan la isla  ogayn.   “Waxaa na soo gaadhaya, oo dadka su’aashoodii nagu badatay, oo meel walba lanagala soo hadlayaa,  ama la soo sheegayaaba, in dhinaca Khaatumo ay olole (Campaign)   galeen. Olole iyo warar aan la isla ogayn oo aan ku jirin heshiiskii hore, oo ah in ay dadkii kicinayaan  kuwii dibadda joogay ee qorbe jooga ahaa iyo kuwa gudaha dalka joogaba  ay war-gelinayaan oo ay leeyihiin  shirweynihii beesha Dhulbahante loogu yeedhayay ayaa bisha 10-keeda Burco lagu  qabanayaa ee ka soo kaca   iyo odayaal iyo qabaa’il, cuqaal, garraado, dad abaabul la leeyahay is-diyaariya.

Midhkaasina midh  meesha ku jiray ma aha, shir imika loo qabanayo Dhulbahante  ma jirro. Shirkaas qaban qaabadiisii ayaa loo balansan yahay,  Khaatuma-na waxaa laga filayaa in ay sidii la isku ogaa ku dhaqanto oo  ka soo qayb qaadato.” Ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee  xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, oo xubin ka ah gudidda Somaliland u metelayay ama u qaabilsn wadahadaladda Khaatumo  oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumadda Somaliland ka go’an tahay  in laga midho dhaliyo  wadahadaladda, isla markaana laga gaadho is-af-garad iyo heshiis buuxa.

Waxaanu yidhi “Xukuumadda Somaliland waxay dedaal badan ugu jirtaa,  kana go’an in wadahadaladaasi laga midho dhaliyo, heshiis buuxana ay ku dhamaadaan.  Nuxurka ugu weynaa ee heshiiskii dhawaan Hargaysa lagu galay wuxuu ahaa  in shir loo dhan yahay  lagu qabto magaaladda Burco  10-ka bishan July.  Si shirkaas loo qorsheeyo waxaa loogu tallo-galay in laba gudi shirkaas isugu yimaadaan,  labadda gudina ay diyaariyaan hanaanka iyo qaabka, tirooyinka dadka, ergooyinku sida ay ku imanayaan  iyo xiliga shirkaa loo dhan yahay ee markii hore-na uu madaxweynuhu iclaamiyay la qabanayo  ayaa la isla waafaqay.”

Sidoo kale Maxamed Kaahin Axme, waxa uu sheegay in sababta dib loogu dhigay shirkaasi ay ka mid tahay iyadoo ay dhawaan goboladda Togdheer iyo Maroodijeex ka bilaabmayso qaadashadda kaadhka codbixinta.“Sidii aanu heshiiska ku ahayn, waxaa looga baahan yahay in labadda  dhinac  ay ilaaliyaan, ban-baaniyaan, hanaanka iyo geedi-socodka  uu shirkaasi u soconayo. Dhaq-dhaqaaqyadda imika socda  ee ka socda dhinaca Khaatumo, ee iclaaminayo  in shirkii 10-ka bisha Burco la imanayo, waa marka u horaysee shirka waxaa loogu balamay  in uu qabsoomo 10-ka bishan aynu jirno, maadaama imika   qaadashadii Kaadhka codbixinta ay  Sabtida soo socota  ka bilaabmayso goboladda Maroodijeex iyo Togdheer, wakhtiyadaas awgeed  waxaa laga dhigay  in 24-ka bishan July uu shirkaasi noqdo.

Shirkan imika labadii gudi  ayaa isugu imanaya, oo guddi waxaa diyaarinaysa xukuumadda Somaliland, gudi kale-na wuxuu ka imanayaa dhinaca Khaatumo.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply