Taleefanada Gacanta Oo La Sheegay Inay Xambaaraan 7000 Nooc Oo Bacteria Ah

0
345

Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska lagu magcaabo Daily Mail oo kasoo baxa wadanka Ingiriiska ,kooxo khubaro ah ayaa digniino kala duwan oo dhinaca caafimaadka ah kasoo saaray isticmaalka mobile-ka gacanta,kaas oo ay sheegeen in laga helo dushiisa 7000 oo bacteria ah.

Sidoo kalena kooxdan ayaa sheegay in si taasi lamid ah laga helo bacteria waxyaalo ay kamid yihiin handaraabyada albaabada iyo lacagta,kuwaas oo keeni kara khatar dhinaca caafimaadka ah.

Sida lagu sheegay daraasad ay kooxdani sameeyeen waxa jira noocyo badan oo ah bacteria,gaar ahaana noocyada ugu khatarsan ,kuwaas oo laga helo mobiles-ka ,sidoo kalena waxay tilmaameen inay jiraan Germs aad u badan oo isna laga helo mobiles-ka iyo weliba meelaha handaraabyada ah ee albaabada.

Waxaanay cadeeyeen kooxdan khubarada ahi in noocdayada laga helaa ay yihiin kuwo khatar ku ah caafimaadka dadka,kuwaas oo sababi kara xanuuno kala duwan ,gaar ahaana xanunada loo yaqaano Infections ka ,waxaanay soo jeediyeen in markasta layska nadiifiyo gacmaha iyo sidoo kalena mobiles-ka.

Dhanka kalena waxay tilmaameen in aanay keliyaata ahayn mobiles-ka waxa xambaarsan bacteria ee ay sidoo kalena lacagaha kala duwan ay xambaaraan lagana helo bacteria kala duwan,iyaga oo sheegay in lacagta waraaqda ah laga helo 80% ,halka lacagta birta ahna laga helo 50% bacteria-daasi.

Sidoo kale handaraabyada albaabada ayay ku taliyeen in gacmaha layska maydho marka la taabto,iyaga oo sidoo kalena soo jeediyey in aan shandadaha la dhigin meelaha handaraabyada ah ee la sudho,sidoo kalena aan shandadahaasi haddii la sudho aan la geyn meelaha madbakhyadda oo kale ah.

Waxyaalahan oo ay kamid yihiin habeenkii oo la seexdo iyada oo la dhididsan yahay ayay sheegeen kooxahan khubarada ahi inay si deg deg ah u koriso bacteria badan oo gaadhaysa ilaa millions bacteria ah.

Khubaradan ayaa dadka kula talisay inay meel kulul inta badan maro dhigaan ,kadib markay diirtona lagu masaxo mobiles-ka iyo handaraabyadda albaabada,sidoo kalena lagu maydhi karo handaraabyadaasi biyo kulul.


 

Leave a Reply