Prof. Galaydh oo ku Eedeeyay Wasiirka Daakhiliga Inuu ka Soo Horjeedo Wadahadalka Madaxweyne Siilaanyo Kula Jiro Khaatumo

0
379

Widh-widh(Dawan)- Hoggaamiyaha  Maamulka Khaatumo ee wadahadalka kula jira  Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Cali Khaliif Galaydh,  ayaa sheegay in shirkii labada dhinac ku heshiiyeen in 10-ka July  lagu qabto magaaladda Burco aanu dhinac qudhi  dib u dhigi karin.

Cali Khaliif, wuxuu  daadifeeyay xubno ka mid ah Guddida wadahadalka u matelaysa Somaliland oo Salaasadii sheegay in shirkii lagu waday  in Burco lagu qabto dib loogu riixay 24-ka Bishan July, si loo dhammaystiro arrimo farsamo.

Mr. Galaydh oo shalay qaar ka kamid ah warbaahinta kula hadlay degmadda Widh-widh ee gobolka Buuhoodle, ayaa  naqdiyay  shirka dib loo dhigay, waxaannu yidhi;  “Somaliland wadahadallo ayaa noo bilaabmay, meel fiicanna waaba la soo gaadhsiiyey, aanagu haddii aanu Khaatumo nahayna waxba dhulka nagama yaallaan, Somaaliland-na war ay noo soo diraysaa  maaha mid ay TV-ga noo soo marinayso, meesha yaallaana waa arrin culus Salaasadii ayaa  TV-ga war laga sii daayay, bal isaga haddaanu Khaatumo nahayna waanu ka shiraynaa,wax aanay ka muuqan dawladnimo iyo odaynimo, yaa meeshaa lagaga dhawaaqayey jawaab munaasib ahna waan siinaynaa.”

“Shirkayagu waxa uu ahaa 10 July inuu Burco  ka qabsoomo, annaga oo laba dhinac ah  (Somaliland iyo Khaatumo), ayaannu  ku heshiinay iyagu (Somaliland)  kama bixi karaan, dibna uma dhigi karaan, hadday ka baxaana wadahadalladii oo dhan ayay ka baxeen,”ayuu yidhi.

 

 

Cali Khaliif waxa uu si gaar ah u duray Wasiirka Daakhiliga, waxaannu yidhi; “Faratoon waanu ka xishoonay, shakhsi ahaan ayaanu uga xishoonay, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee uu yahay, ayaanu uga xishoonay, wuxuu isagu  la soo taagan yahay Khaatumo ma jirto  iyo  waa afar  qof waar isagu yuu haystaa?, isaga madaaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay, Madaxweynuhu  wadahadalkii uu danta bidayna wuu  ka hor imaanayaa,  anigu sidaas ma garanayo.”

 

18-kii Bishii June ee la soo dhaafay, ayay Xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo kala saxeexdeen heshiis shan qoddob ka koobnaa oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro xiisadaha siyaasadeed iyo nabadgelyo ee kaa jiray qaar ka mid ah gobollada bariga Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply