Madaxtooyada oo Beenisay Dacaayado WADDANI ka Sheegay Madaxweynaha Somaliland

0
371

Hargaysa (Dawan)-   Madaxtooyadda Jamhuuriyadda  Somaliland,  ayaa beenisay  hadallo ka soo yeedhay Faadumo Siciid oo ka tirsan xisbiga Waddani oo wax  ka sheegtay   caafimaadka madaxweynaha oo booqasho  gaar ah  ku jooga dalka Imaaraadka carabta.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr)  oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in aanay jirin xaalad caafimaad darro oo la soo daristay Madaxweyne Axmed Siilaanyo; “Waxaan ummada Somaliland gudo iyo dibadba u sheegayaa,  anigoo  afkii madaxweynaha ku hadlaya inuu madaxweynuhu caafimaad qabo wax qaliin ahna  aanu gelin,waana warar been ah  oo barobagaando ah oo dhiillo leh oo la doonayo in ummadda lagu khalkhal-geliyo oo ummada Somaliland lagu kala qaybiyo,”ayuu yidhi Eng. Xuseen Deyr.

Afhayeenku oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi; “Madaxweynuhu  habaarna innagama mudna, dadka mucaadka ah ee doonaya in caafimaadka madaxweynaha kaambayn ka dhigtaanna waxaan leeyahay caafimaadka madaxweynuhu olole ma noqon karo,  waxaannu madaxweyne u  wada yahay mucaarad iyo muxaafidba, caafimaadka iyo cudurkana  Ilaahay ayaa haya.”

“Waxaan  beeninayaa in Faadumo Siciid madaxweynaha aragtay oo cusbitaalka ay kula kulantayna ma jiro. Waana  barobagaando madaxweynuhuna dhawr cisho ka dib  dalka wuu ku soo noqon doonaa,”ayuu ku dooday Afhayeenku, waxaannu xisbiyada mucaaridka ah u soo jeediyay inay ummada u soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasiga ah ee ay doonayaan inay dalka ku xukumaan haddii ay ku guulaystaan doorashada fooda innagu soo haysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply