Guddoomiyaha UCID oo Sheegay Inay Somaliland Diyaar u Tahay Difaacista Dalka Jabuuti

0
414

Hargeysa(Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay garab taagan tahay walaalaheeda reer Jabuuti, isla markaana ay ka difaaci doonto weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca dalka Eretria.

Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu ugu baaqay madaxweynaha Jamhuuriydda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, in uu mar shanaad isu soo taago madaxtinimada dalkiisa, si uu xal ugu helo khilaafka siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya.

“Reer Jabuuti halgankii ay soo galeen waxa soo barbar socday oo garab taagnaa reer Somaliland, waxaana ka mid ahaa Maxamed Rashiid iyo marxuumkii Maxamed Axmed Kuluc, ragga u dhintay ee u balan-balay nin qudha oo reer Soomaaliya ahi kumuu jirin, hase ahaatee waxaad moodaa in ay Jabuuti iskaga khaldameen Hargeysa iyo Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle intaas oo jeer ayuu Muqdisho tagay, maalin kaliya  Hargeysa muu iman, taasina wax na qabata maaha,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayay dhawaan munaasibad lagu qabtay Hargeysa oo loogu dabaaldegayay markii Faransiisku ka kacay waddankaas.

 

Faysal waxa uu sheegay haddii dawladda Eretria ay soo weerarto Jabuuti in aanay dawladda Soomaaliya u soo gurmaneynin balse cidda ugu horeysa ee u gurmaneysaa ay tahay Somaliland, waxaannu yidhi “Jaarku xuquuq ayuu isku leeyahay, annagu xuquuqda uu jaarku nagu leeyahay waanu ilaalinaa, horena waannu u ilaalinaynay Jabuuti, maantana waanu ilaalineynaa, maanta haddii Eretria ay soo weerarto Jabuuti Xamar u soo gurmameyso ee cidda u horeysa ee u soo gurmaneysaa waa annaga, annaga ayaana u diyaar ah inaanu difaacno, maalintii dhaweydna raggii daafacay reer Somaliland-bay ahaayeen, markaa waxa weeyaan Jabuuti iyo ka Hargeysa lama kala garanayo, dad is wada dhalay ayaannu nahay, dad isku isira ayaanu nahay, wadamada caalamkuna waa ay camiraan wadan wadan kiciyaana ma jiro, Jabuuti iyo Somaliland-na waa ay iska xigaan wadamada kale Kenya iyo Soomaaliyana waa ay iska keen xigeen”

“Anigu waxaan u tagey Madaxweynaha Jabuuti, waxaan ku idhi mar shanaad isa sharax si aad noo kala saarto annaga iyo maro-boobta Soomaaliya, maanta waxaannu ka doonaynaa Jabuuti maalinba bowdo ayaa qaawane in halkii ay iska kaaya taagi jireen ay iska kaaya taagaan ayaanu doonayna, Somaliland iyo Soomaaliyana inaad u noqoto dhex-dhexaad oo aanad midna garabka saarin,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply