Gabiley (Dawan)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay kormeer la xidhiidha u kuurgelidda hawsha kaadh qaadashadda ku soo maray degaanno ka tirsan gobolka Gabiley.
Waxaannu madaxweyne ku xigeenku soo maray goobaha ay ka socoto qaadashadda kaadhka codbixinta ee magaalooyinka Gabiley, Arabsiyo, Wajaale, Kala-baydh iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka Gabiley.
Madaxweyne ku xigeenka waxa kormeerkaas ku wehelinayay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Wershadaha, Wasiiru-dawlaha wasaaradda Khayraadka Biyaha, af-hayeenka madaxtooyadda iyo sidoo kale badhasaabka gobolka iyo Maayarka Gabiley.
C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa markii uu gaadhay magaaladda Gabiley waxa uu booqday goobaha ay ka socoto qaadashadda kaadhka codbixiyaha, ee meello ka mid ah degaamaddii kala duwanaa ee uu soo maray.
Madaxweyne ku xigeenka oo hadal u jeediyay boqolaal dadweyne ah oo ku soo dhaweeyay magaaladda Tog-wajaale ee ku taalla xadka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ayaa ka warbixiyay u jeedadda kormeerkiisa.Waxaannu sheegay madaxweyne ku xigeenku in sababta ay safarka ugu tegeen degaamadda gobolka Gabiley ay la xidhiidho sidii ay xog ogaal ugu noqon lahaayeen hanaanka ay gobolkaasi uga socoto qaadashadda kaadhka codbixiyaha.
C/raxmaan Saylici, oo dadweynaha la hadlayay waxa uu yidhi “Aad ayaan idiinku hambalyaynayaa sida fiican ee ay u socoto hawsha qaadashadda kaadhka codbixinta iyo sida aad noo soo dhawayseen intaba. Runtii waxaan ku faraxsanahay in shanti maalmood ee culayska badnaa ee goob walba ay oolayeen kaadh qaadashadu, runtii waxaan ILLAAHAY (SWT) ugu mahad naqaynaa in labadii gobol ee ugu culayska badnaa in ay si nabadgeliyo ah inoogu soo dhamaatay, oo meelna aanay jirin wax dhibaato ah oo ka dhacday, oo aanay Deerro-na Deero ku herdiyin.”
“Gobol ahaan waxaan arkayaa in Gabiley ay hawshu si fiican u socoto, taasina waan idinku hambalyaynayaa maamulka gobolka, maamulka degmadda iyo odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedda gobolka, oo runtii aad iyo aad ugu hawl-galay qaadashadda kaadhka codbixinta.
“Fariinta aan maanta (shalay) u socono, waxaanu adkaynaynaa uun in xilkaa ina wada saaran dhamaanteenba, shacab iyo dawladba oo ah xil qaran, oo ah waajib dastuuriya in qof kastoo Somaliland u dhashay in uu qaato kaadhkiisa codbixinta, si uu hadhaw u doorto cida uu rabbo doorashooyinka is-daba jooga, oo aynu maanta fursad u helnay in ay kaadhkaasi aadka u qaaliga ah, oo ah kaadh aan weli laga samaynin dawladaha aynu la midka nahay ee Afrikaanka ah, kaasi oo ah kaadh aad u qiimo badan.” ayuu yidhi C/raxmaan saylici.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyay u jeedadda ka danbaysa in dalka laga qabto in ay dadweynuhu qaataan kaadhka codbixinta, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay sidii ay dalka uga dhici lahaayeen doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Isagoo bulshadda gobolka Gabiley ku dhiirigeliyay in ay maalmaha u hadhay ka faa’iidaystaan, isla markaana ay qaataan kaadhka codbixinta. Waxaanu yidhi “Waxaan uga jeednaa in kaadhka codbixinta la sameeyo in la hello doorasho xor iyo xalaal ah, oo hal cod iyo hal qof ah.
Si aan taas u helno waxaan idinku dhiirigelinaynaa, oo uu maanta socodkayagu yahay ama daaran yahay, in aan u kuurgalno hab-sami u socodka qaadashadda kaadhka iyo in aanu sii adkayno, hawshii waad haysaane, in aanu idinku adkayno intiinii ka gaadhi wayday shanti maalmood ee hore, waxay sii socon doontaa 14 maalmood oo danbe, oo ay caasimadda gobolka ee Gabiley ooli doonaan sanduuqdayu.
Imika ninkii wakhtigaa ka habsaamay hawlaha dartood in aynu 14-kaa maalmood ee hadhay aynu culayska saarno oo reeruhu isa-soo tool-fiiqaan, waxaana jirta in dadka degaanka ay hadda ku dhex jiraan dad meello kale ka soo guuray, beerlayda qudheeda culays badan ayaa imika saaran, markaa waxaan idinku adkaynayaa in dadka inta hadhay ay isa-soo wacyigeliyaan oo ay maalmaha hadhay ka faa’iidaystaan.”
Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka daayriyay xaalad laga naxo oo uu ku soo arkay degaamadda beeralayda ah ee uu soo maray, kuwaas oo uu sheegay in aanay ka jirin wax ka baxay beeraha, isla markaana dhulkii wax laga beeran jiray uu Casaan yahay.
C/raxmaan Saylici, ayaa ILLAAHAY ka baryay in uu raxmaadkiisa inoo shubo abaartana laga baxo, isagoo xusay in guud ahaanba dalkoo dhan ay weli ka sii muuqdaan raadadka abaarta.
“Waxaan aad uga xumahay oo aan soo arkay dhulkii ay wax ka bixi jireen ee ay dadka beeralayda ah wax ka beeran jireen, oo maanta wakhtigaa aan joogno ay weli ciidii cas tahay, oo aanu jirin wax Biqil ah. Waxaanan ILLAAHAY (SWT) ka baryaynaa in uu raxmaadka inoo shubo, oo aynu ka baxno abaarta. Gobol beeralay ah iyo mid xoollo dhaqato ahba, weli waxaad moodaa in aanay abaartii inaga tegin, oo uu raadkeedii sii jirro. Waxaan ILLAAHAY (SWT) ka rejaynaynaa in uu roob deg-deg ah ina siiyo.
Dhamaanteen, aan gacmaha isku qabsano wada jirkeena iyo dhismaha qarankeena iyo in aan u diyaar garowno doorasho xor iyo xalaal ah, oo wakhtigeedii ku dhacda”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku.
Dawannews Hargeysa office