Mucaaradka oo ku Hanjabay Inay Kalsoonida Kala Noqonayaan Komishanka

0
400

Hargeysa(Dawan)- Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa Komishanka Doorashoyinka ugu hanjabay in ay kala laaban doonaan kalsoonidii ay siiyeen, haddii aanay si dhakhso ah wax uga qaban waayaan cabashooyin ay sheegeen in ay u gudbiyeen.

 

Madaxa Ololaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xamse Khayre oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in komishanku ay ka baxeen wakhtigii ay ku heshiyeen in ay furnaadan goobaha laga qadanayo kaadhadhka codbixinta ee gobolka Maroodijeex.

 

Xamse oo arrimahaasi ka hadlayayna wuxuu  yidhi,  “Saddexdii cisho ee ugu danbeeyey waxaan la kulanay waxyaabo runtii aad looga xumaado oo shaki naga geliyey kalsoonida aanu ku qabi karno komishanka doorashoyinka heer gobol, waxaannu marnay goobo ilaa Siddeedii habeenimo furnaa oo aan ciddi joogin, taasi oo baal marsan wakhtigii ay ku heshiyeen saddexda Xisbi iyo koomishanku oo ah in goobaha la xidho lixda makhribnimo.”

Xamse oo hadalkiisa sii watay ayaa ku hanjabay in ay kalsoonida si toos ugala laaban doonan haddii ay cabashadooda wax kaga qaban waayan muddo afar iyo laabatan sacadood gudahooda waxaana uu yidhi “Waxaannu shirkan u qabanay in aannu kalsooni darro ka muujino komishan heer gobol, waxaanan guddida anshaxa iyo komishanka qaranka ugu baqaynaa in ay muddo 24 saacadood ah wax kaga qabtaan goobaha aan u soo gudbinay, haddii kale haba yaratee wax kalsooni ah kuma qabi karno.”

Dhinaca kale, todobaadkii hor ayey ahaydii markii Xisbiga mucaaradka ah ee UCID uu sheegay inay kalsoonida kala laabanayaan komishanka doorashoyinka qaranka haddii aanay wax ka qaban wax ay ugu yeedheen  olalaha ay sida sharci darrada ah u waddaan Xisbiyadda Waddani iyo Kulmiye.

 

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID , Yuusuf Kayse Cabdilaahi oo arrinta ka hadlayayn waxa uu yidhi “Waxaan kalsoonida kala noqonayaa komishanka haddii saddex cisho gudahood ay talaabo cad ka soo saari waayaan labada Xisbi ee astaamaha la soo baxaaya ee musharaxnimada ku olalaynaaya.”

Gudidda anshaxa ee  komishanka doorashooyinka ayaa doraad labadaa xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ugu baaqay in ay joojin olalaha iyo hadallada xanafta leh ee ay ka wadaan gobollada Togdheer iyo Maroodijeex.

Cabashooyinkan ayaa ku soo beegmaaya xilli ay wax ka yar saddex bilood ka hadheen doorashadda Madaxtooyada Somaliland oo la filayo in ay dalka ka dhacdo 13-ka bisha November, balse Murrashaxa  Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaan weli ka degin xilka guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, halka Xisbiga UCID aannu shaacin cidda u matelaysa  jagada Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbigooda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply