Xidhiidhka Faransiiska iyo Maraykanka oo lagu Tilmaamay Mid Xoog Badan

0
382

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa amaanay saaxiibtinimada ka dhaxaysa dalkiisa iyo maraykanka. Hadalka ayuu ka jeedinayey xaflad lagu xusayey maalinta Bastille oo lagu qabtay Paris, halkaasoo uu madaxweyne Trump marti sharaf ka ahaa.

Mr Macron wuxuu sheegay inaysan jjirin cid kala saari karta labada dal. Xafladda waxaa lagu xusayey 100 guuradii ka soo wareegtay markii uu Maraykanku galay dagaalkii 1aad ee dunida.

Cutub askar Ameerikaan ah, oo qaarkood ay xidhnaayeen dareeskii askarta ee la xidhan jiray 1917, ayaa ka mid ahaa kooxihii marayey Champs-Elysees. Mr Trump ayaa u sacab tumayey dabaaldegga intii uu soconayey.

Mar sii horreysay ayuu twitterkiisa ku qoray in xidhiidhka dalkiisu la leeyahay Faransiiska uu sidii hore ka sii xoog badan yahay. Waxaase jira madmadow dhanka farqiga siyaasadda ah oo labada hogaamiye soo kala dhex agalay, sida isbeddelka cimilada.

 

Leave a Reply