Hargeysa (Dawan)- Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa doodii ugu kululeyd ka yeeshay xaaladda Sicir bararka iyo Sarif bararka is barkan ee dalka ka jira, waxaanay qaar ka mid ah xildhibaannadu ay ku baaqeen in loo yeedho Wasiirrada si arrintaasi khusayso si wax looga waydiiyo.
Qaar ka mid ah mudanayaasha aqalka odayaasha oo hadal ka jeediyay fadhigoodii shalay, ayaa si adag uga dooday xaaladda sicir bararka oo maraysa halkii ugu xumaa tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay madaxbannaanideeda sannadkii 1991-kii .
Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) ayaa golaha ugu baaqay in la helo jaangoyn isla markaana loo yeedho Wasiirrada mowduucani khuseeyo, waxaannu yidhi; “Waxaan leeyahay ha loo yeedha golaha Wasiirrada, waxaana loogu yeedhayaa sicir bararku halka uu maanta gaadhay weligii ma gaadhin, haddii aynu xoolaha wax saarayno mar hore oo xoolaha la joojiyey ayaa jirtay oo laba sannadood aaney xoolaheennu dhoofin, markaa Sicir bararku halkan inaguma gaadhin, waxaa jiri jirtay jaangoyn.”
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo isaguna ka mid ahaa xildhibaannadii ka qaybqaatay doodaasi ayaa dawladda Itoobiya ugu baaqay in badeecadaha ay dalka keento ay ku beddellato lacagtooda birta ah, waxaannu yidhi “Itoobiya waxa innooga yimaada badeecado badan oo qaadka iyo khudaartu ka mid tahay, lacagta waxa shillinka Somaliland ka soo baxa Casarka ayaa lagu beddelaa doolar, waxaan Itoobiya leeyahay gobol walba ha ka furto bangi lagu hayo lacagtii birta ahayd, Waxa ay Xoolahoodu u gooyeen ha ku beddeleen bir halka lagaga doonayo doolar oo taayada hanooga tagaan toodana ha qaataan.”
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan ayaa masuuliyada Sicir bararka dusha ka saaray shacabka, waxaannu yidhi, “Xukumadda talada dalka haysaa qarankan waxa ay ka tahay boqolkii hal , sagaal iyo sagaashanka kale waa shacabkaa markaa haddii ay mushkilada abuurayaan boqolkiiba 99-kii kale, hal waxba ma qaban karo, tusaale ahaan dhammaan waxa aynu quudanaa waxa inooga yimaada dalka dibaddiisa.”
Dawannews Hargeysa office