Guddoomiyaha KULMIYE oo si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Deegaannada Hawdka Gobolka Togdheer

0
345

Nasiye(Dawan)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannada Beer, Naq-barwaaqo, Geeddi-haan, Balanbaal iyo Nasiye oo dhammaantood ka tirsan hawdka  gobolka Togdheer.

Weftigan uu Guddoomiyaha  oo maalmihii  ugu dambeeyey socdaallo ay ugu kuur gelayaan qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha ku marayey deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Togdheer, ayaa shalay  si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaannadan ay mareen, waxana shacabka ku dhaqani ay si weyn u muujiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, isla markaana ay codkooda la garab geli doonaan.

Weftigan oo ka kooban wasiirro, xildhibaannno, siyaasiyiin, xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga KULMIYE, saraakiil garabka haweenka KULMIYE ka tirsan iyo haldoor kale, ayaa si weyn uga mahad celiyey taageerada ay xisbiga KULMIYE u muujiyeen iyo soo dhaweynta heerka sarraysa ee ay u sameeyeen, waxana ay sheegeen inay taageeradoodu marag u tahay sida uu xisbiga KULMIYE u kasbaday badiba bulshada reer Somaliland.

Odayaasha, waxgaradka, madax-dhaqameedka, haweenka, dhallinyarada iyo haldoorka deegaannada Beer, Naq-barwaaqo, Geeddi-haan, Balanbaal iyo Nasiye, ayaa si isku mid ah u sheegay inay ka siman yihiin taageerada xisbiga KULMIYE, isla markaana deegaamadooda mashaariic badan oo horumarineed laga hirgeliyey muddadii ay xukuumadda KULMIYE talada dalka haysay.

Intii ay weftiga guddoomiyuhu socdaalkooda ku jireen waxa waqtiyo gaar ah kala siiyeen dhammaanba dadweynaha ku kala dhaqan deegaannadan, waxana ay warbixino ka dhegaysteen waxgaradka deegaannadan oo xukuumadda KULMIYE ku hambalyeeyey waxqabadka ay ka fulisay deegaannada iyo goobo kale oo dalka kamid ah.

Ugu dambayntii guddoomiyaha iyo waftigiisu waxa ay socdaalkooda ay deegaannadan ku marayeen kusoo afmeereen deegaanka Nasiye, waxana ay la kulmeen soo dhaweyn diirran oo ay ka qaybgaleen shacabka deegaanku, iyada oo waxgaradka deegaanka, Maayarka golaha deegaanka Burco, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda deegaankaasi guddoomiyaha iyo waftigiisa ku hambalyeeyeen socdaalkooda.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shacabka deegaanka uga mahadnaqay soo dhaweyntooda, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay horumarka deegaankooda iyo midka guud ahaanba Somaliland xil iska saaraan.

Ugu dambayntiina waxa weftigu shacabka deegaanka Nasiye la qaateen hadhimo-sharafeed lagu maamuusay, taas oo ay kala qayb qaateen maamulka deegaanka, odayaasha iyo waxgarad kale.

Geesta kalena,  Xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa ka hadlay shil baabuur oo aan sababin wax khasaare ah oo ka dhacday  jiida u dhaxaysa deegaannada Balanbaal iyo Nasiye ee hawdka Gobolka Togdheer, ka dib markii uu qalibmay mid ka mid ah kolonyadii baabuurta weftiga Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas, Md. Muuse Biixi Cabdi, oo kormeer ku marayey deegaankaas.

War-saxaafadeed uu xalay soo saaray madaxa qaybta warbaahinta ee xisbiga KULMIYE, Cali Jaamac Maxamed, ayaa lagu sheegay inaanu shilkaasi wax khasaare ahi ka soo gaadhin masuuliyiinta xisbigaasi, waxaannu u qornaa sidan:- “Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo beryahanba socdaal shaqo ku jooga Gobolka Togdheer ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay kormeer shaqo ugu baxay deegaanno ka tirsan Hawdka gobolka oo ay u kuurgalayaan xaaladaha kala duwan ee nolosha dadka iyo hawsha qaadashada kaadhka codbixinta oo hadda gashay wejiga labaad ee labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer.

Haddaba, intii weftigu ku gudo jiray socdaalkaasi shalay waxa dhacay shil baabuur, kadib markii uu dhacay mid ka mid ah gaadiidka weftiga KULMIYE xilli ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Balanbaal iyo Nasiye ee hawdka Gobolka Togdheer, iyadoo nasiib-wanaag aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaasi, marka laga yimaado khasaare burbur gaadhay baabuurka dhacay iyo qalabkii saarnaa.

Guud ahaan waxa nabad qaba oo aanay wax dhib ahi soo gaadhin afar qof oo saarnaa baabuurka dhacay oo kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Haweenka KULMIYE ee heer qaran Marwo Dalays Shire Faarax, Mr. Jaamac Xaaji Axmed oo ka mid ah Golaha Dhexe ee xisbiga, sawir-qaade Ibraahim Cabdiqaadir Ibraahim (Ibraahim Eagle) iyo darawalkii waday baabuurka, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Burco.

Shilkaasi sahalka ah kadib waxa weftiga murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi halkiisii ka sii ambaqaaday scodaalkii uu ku marayey deegaannada Nasiye ee ka tirsan Gobolka Togdheer oo martiqaadyo casuumado ah iyo xaflado taageero ah loogu sameeyey.

Waxa kaloo xisbiga KULMIYE ugu baaqayaa muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex ee hore isu-diiwaangeliyey inay si buuxda u qaataan kaadhkooda codbixinta oo ay ka faa’iidaystaan muddada kooban ee ka hadhay waqtiga Komishanka Doorashooyinku u cayimay kaadh-qaadashada si ay codkooda ugaga qaybqaataan doorashooyinka soo socda ee Somaliland oo aanay u lumin xuquuqdooda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply