Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in aan masiirka dalka lagu aamini karin Murrashaxa xisbiga WADDANI ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan Cirro).
Wasiirku waxa uu ku eedeeyay guddoomye Cirro in aanu maalin qudha u jawaabin dawladda Soomaaliya ee farogalinta ku haysa qarannimada Somaliland, waxaannu hoosta ka xarriqay in loo baahan yahay in laysku miisaamo murrashaxiinta xisbiyada ka taratamaya ka u qalma in uu Somaliland hoggaamiya.
Wasiirka Warfaaafintu, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay xaflad lagu qabtay magaalada Burco oo beel ka mida beelaha gobalka Togdheer ay taageero ugu muujinaysay xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Muuse Biixi Cabdi waa madaxweynaha mustaqbalka Somaliland, dhaartii ayuun baa u hadhay, waana in aynu isu miisaano raga tartamaya iyo xisbiyada tartamaya, Muuse Biixi waa Mujaahid naftiisa u soo huray dalkan, waana nin dalka u soo samray halgan, ilaa maalintii la tabantaabinayay ee dalka aynu soo galnay waa nin og tuulo kasta, degmo kasta iyo gabal kasta waxa ay ku sugan tahay iyo waxa ay gudaan, waxaana la doonayaa in aynu xisaabtanno oo ninka qaranka xilkii ugu waynaa aynu u dooranaynaa oo umadan mustaqbalkeedii iyo aayatiinkeedii iyo ictiraafkeeda aynu ku aaminaynaa.”
Cismaan Saxaradiid waxa kale oo uu intaas raaciyay “Waa in aynu miisaanaa ninka aynu xilka qaranka u dhiibayno, ma ninka Soomaaliya aan u jawaabayn ayaynu ku aaminaynaa, mise ninkii xabada isu dhigay ee naftiisa u huray ayaan ku aaminaynaa, Cabdraxmaan Cirro saddex iyo toban sanno ayuu ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada su’aasha taalaana waxa weeye saddex iyo tobannkaa sano muxuu qabtay Cabdiraxmaan Cirro.”
Dawannews Hargeysa office