Xoghayihii Arrimaha Bulshada ee Xisbiga WADDANI oo is Casilay

0
363

Hargaysa (Dawan)- Xoghayaha Arrimaha bulshada ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, Axmed Cigge Yare  ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xisbigaasi iyo waliba xubinimadii xisbiga.

Axmed Cigge Yare oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Burco, ayaa sheegay in sababaha uu uga tagay xisbiga WADDANI ay tahay aflagaadada ay ku hayaan madaxweynaha Somaliland xubno ka tirsan xisbigaasi, waxaanu tilmaamay in uu madaxda xisbiga ku qanci kari waayay in aanu madaxweyne Siilaanyo musharax ahayn is la markaana aanu mutaysan in cay iyo habaar lagula dul kufo, maadaama oo uu yahay madaxweyne ay doorteen shacabka reer Somaliland.

Axmed isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan doonayaa in aan sheego in aan iska casilay xilkii aan ka hayay xisbiga WADDANI oo ahayd  xoghayaha Arrimaha bulshada, waxaana aan iska casilay xubinimadii iyo xilkii aan ka hayay xisbigaas, waxaana u mahad celinayaa hawlwadeenadii iyo masuuliyiintii xisbiga ee aan  sida wanaagsan u soo wada shaqaynay.”

Masuulkan is casilay waxa uu sheegay in uu qaadan kari waayay af-lagaada iyo cayda  madaxweynaha Somaliland ee uu xisbiga WADDANI caadaystay, waxaanu yidhi”waxaan ka mid ahaa isbahaysigii Kulmiye ee ku biiray xisbiga WADDANI, waxaana aanu ku qancin kari waynay xisbiga WADDANI in aanu musharax ahayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ee Muuse Biixi Cabdi yahay ninka musharaxa ah ee tartanku ka dhexeeyo, waanay ka dhago furaysteen waxaana  xaalada WADDANI ay noqotay ILLAAHOW ka wayn igu soo daa, ka yarna iga hay, maalin kastana waxa aad arkaysaa qof ka tirsan xisbiga WADDANI oo wax ka sheegaya madaxweynaha Somaliland ee umadda Somaliland oo dhami u codaysay, cayda  iyo habaarka  madaxweynahana laguma guulaysanayo, horumarna laguma gaadhayo, taas ayaana sabab u ah in aan banneeyo xilka iyo xibunnimadaba.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply