Xukuumadda oo ka Hadashay Shaqaaqo Laba Wiil ku Dhinteen oo ka Dhacday Hargeysa

0
337

Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay dilka laba wiil oo dhallinyaro ah oo ku dhintay rasaas uu riday askari ka tirsan ciidanka booliska Somaliland.

Wasiiru-dawlaha Amniga ee  Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay  in labada wiil ee dhacdadaa ku dhintay in ay is arkeen qoysaskii ay a baxeen oo ay wada hadleen isla markaana uu xidhan yahay askarigii dilkaa ku eedaysnaa.

Waxaa kale oo uu  intaa  raaciyay in laba askari oo midna qori sito midna aanu hubaysnayn in ay u soo gurmadeen kooxo dhallinyaro ah laba kooxood isku dilayay kadibna ay isku dayeen inay   kala kaxeeyaan laakiin ay dhallinyaradii askarta la dagaalantay oo ay nabaro badan gaadhsiiyeen taasina ay keentay in askariga oo is difaacayaa in uu rasaas riday ka dibna ay laba wiil ku geeriyoodeen.

Labada wiil ee dhacdadan ku naf-waayay waxay  la kala odhan jiray Suhayb  Maxamed Cabdi iyo Guuleed Xuseen Guuleed , waxaanna   meydkooda la dhigay Cusbitaalka guud  ee Hargeysa

 

Wasiiru-dawluhu wuxuu  sidaa ku sheegay mar uu shalay u warramayay wargeyska Dawan.

. “Waxay rabshado ka dheceen degmada Gacan libaax gaar ahaan xaafadda Cabbaaye ee caasimada Hargeysa laba kooxood oo dhallinyaro ah ayaa halkaa isku dilayay waxaana in ay kala kexeeyaan isku dayay laba askari oo midna qori sito midna bilaa hub yahay laakiin labadii askariba gacanta ayaa loo qaaday oo nabaro  waawayn ayaa la gaadhsiiyay siday warbixintu igi soo gaadhay qadarka mawdkuna meesha wuu ku jiray oo ciddi baajin mayso naf ALLE soo  doonay markay askartii dhaawacyo u geysteen ayuu askarigii qoriga sitay rasaas riday rasaastiina laba wiil ayaa ku geeriyooday askarigii dilka ku eedaysnaana wuu xidhan yahay,”ayuu yidhi Md. Maxamed Muuse Diiriye, waxaannu intaas ku ladhay;  “Maantaba waanu u tagnay waanan is afgaranay si wanaagsanna waanu wada hadalnay manay ahayn ficil cid lau beegsanayay ee mushkilad dhacday ayunbay ahayd oo aanu ka xukuumad ahaanna ka xunnahay waxaanan halkan tacsi uga dirayaa qoysaska ay labada Marxuum ka bexeen.

Dhibaatada inna ahaysataa waxay tahay 26 sanno oo ay Somaliland jirtay caruurteenna xil iskamaynu saarin oo waxay ubadkeenu ku koreen innagoo isku dul haysana oo sheekh iyo shariif,suldaan iyo siyaasi dhammaanteen aynu murmayno oo aynu innagu isu tirinayno waxaas ayay ku koreen markaa ubad hooyadiina kolay biilkii uga soo saarayso ama ay muqaaxi shaaha ka masruufayso aabbiiina uu ku jiro kuwa isku dul haystaa cidna maqli maayaan cidna xaqdhawri maayaan markaa innaga ayaa la inooga baahan yahay in aynu dib isu saxno oo  intaynu ka gudubno isu soo fadhiisiga warbaahnta in waalidku gaar ahaan aabbuhu in uu xilkiisa guto oo uu awlaadiisa aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba ka war hayo,waxaynu ognahay inta baddu inaga qabto ee Tahriib innagaga dhintay iyo inta aan lahayn  ee magafeyaal u xidhan waar intan aynu hadda haysano aynu waalidnimo ku barbaarino oo iyaga aynu wakhti siino intaynu siku dul haysano.”

 

Wasiirka oo la waydiiyay  sababta ay ciidanka boolisku markasta rasaasta nool u adeegsadaan iyo waxa uga qorshaysan,waxaannu yidhi;  “Horta naf baxaysa ciddina ma baajin karto oo ALLE ayaa u qadaray in ay baxdo laakiin kolay qaran imika dhisme ku jira ayaynu nahay o inta dadkaba ka dhiman ayaa booliskana ka dhiman markaa in aanu aqoon ahaan ciidanka booliska kor u qaadnowaa qorsheyaasha Xukuumadda dhacdadan imikuna may ahayn wax boolis iyo dad ka dhex dhacay ee boolisku waxay ahaayeen laba askari oo is yidhi kala kexeeya oo u kala gurmanayay dhallinyarada kooxaha ahaa ee is dilayay intan ayaana qornayd.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply