Dawladda Ingiriiska oo Bayaamisay in Doorashada Madaxtooyadu Fursad Cajiib ah u Tahay Dib u Cusboonaysiinta Dimuqraadiyada Somaliland

0
410

Hargeysa(Dawan)- Dawladda Ingiriiska, ayaa   shaacisay   haddii  doorashada madaxtooyadu  ay Somaliland  uga qabsoonto si xor ah oo lagu kalsoonaan karo ay Jamhuuriyadda Somaliland u noqon doonto fursad cajiib ah oo ay dib ugu cusboonaysiinayso  sumcadeedii dhinaca dimuqraadiyada oo ay ku tusi karto mandaqada iyo caalamkaba.

 

Dawladda Ingiriisku waxa kaloo ay intaas ku dartay inay sii xoojinayso cilaaqaadkii ay la leedahay Somaliland ee ku wajahan  dhinacyada gargaarka wax- ka-qabashada tabaaladii abaaraha, horumarinta  iyo nabadgelyada, sidaasna waxa daboolka ka qaaday Safiirka UK u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, David Concar, oo shalay ka hadlayay shirjaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Madaxtooyada Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, waxyar ka dib kulan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu xafiiskiisa kula yeeshay weftiga danjiraha oo booqasho laba maalmood ah ku yimmi waddanka.

 

“Waxaan ku faraxsan nahay inaan booqashadaydii ugu horraysay aan ku imaado Somaliland oo aan ku joogo Booqasho laba maalmood ah,waxaan kullamo heersare ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada rayidka ah oo aan ka bartay wax badan oo muhiim u ah Somaliland iyo wax badan oo ahmiyad u leh UK. Waxaan saaka (shalay) madaxweynaha ka wadahadalnay  xidhiidhka UK iyo Somaliland.

UK waxay taageertaa horumarinta Somaliland. Waxa kaloo ay ka saacidaa gargaarka bini’aadanimo ee abaaraha. waxaannu wax kala qabanaa Somaliland dhinacyo kale oo ay ugu muhiimsan tahay Nabadgelyaddu,”ayuu yidhi Danjiraha Ingiriiska David Concar.

Waxa kaloo uu intaas ku daray inay madaxweynaha ka wadahadleen wax ka qabashada saamayntii  ka dhalatay abaaraha, waxaannu yidhi; “Sidoo kalena waxaannu ka wada xaajoonay sidii xal loogu heli lahaa xaaladda bini’aadanimo  gaar ahaan gargaarka abaarta. UK waxay ka walaacsan tahay saamaynta ay abaartu ku yeelatay dadka reer Somaliland, waxaana naga go’an ka qaadhaan-bixiye ahaan UK  waxaannu la shaqeynaa oo aannu soo marinaa  Hay’adaha qarammada midoobay, si aanu taageeradayada  u soo gaadhsiinno bulshada Somaliland si ay u helaan xilligan adag ee ay u  baahan yihiin taageerada  si ay uga soo kabtaan.”

Mr. David Concar, waxa uu xusay inay madaxweynaha isla gorfeeyeen sidii doorashada madaxtooyada ee muddaysan  13ka November  ee sannadkan ay ugu qabsoomi lahayd si xor ah oo lagu kalsoonaan karo, waxaannu yidhi: “Waxa kaloo aannu ka wada hadalnay doorashada madaxtooyada ee soo socota oo UK si xoogleh u taageersan tahay una u aragno inay fursad muhiim ah u tahay Somaliland oo ay ku tusi karto dadkeeda, mandaqada iyo caalamkaba inay qabato doorasho caddaalad ah, lagu kalsoonaan karo oo  si xor ah loogu tartami karo oo keenta natiijo ay ku qanci karaan dhammaan bulshada Somaliland oo dhammi. Taasina waxay u noqon doontaa  Somaliland fursad yaableh oo ay dib ugu cusboonaysiiso  sumcadeedii  dimuqraadyada ee bulshada Somaliland iyo caalamka intiisa kaleba. Waxaannu ka shaqeynaynaa inaannu taageerno intii awoodayada ah sidii lagu gaadhi lahaa  habkaas, waxaanan la hadli doonaa dawladda Somaliland doorashada kadib, marka najiijadu soo baxdo.”

 

 

Safiirku waxa uu u mahadceliyay xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiintii kale ee uu la kulmay, waxaannu yidhi; “Waxaan u mahadcelinayaa dawladda i martigelisay iyo qof kasta oo aan la hadlay waxaa la  ii soo dhaweeyey si wanaagsan, waxay  booqashadani  noqonaysaa tii ugu horreysay booqashooyin badan oo aan ku iman doono Somaliland.”

 

Geesta kalena, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay weftiga safiirka Ingiriiska iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka wada hadleen dhinacyada, siyaasadda, dhaqaalaha, doorashooyinka iyo sidii loo sii taabogelin lahaa cilaaqaadka taariikhiga ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska.

Wasiir Sacad wuxuu  tilmaamay in Ingiriisku ka mid yahay waddamada mucaawimada ugu badan siiya Somaliland, waxaannu caddeeyey in Madaxweynuhu dawladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageeradooda dhinacyada badan leh ee ay siiyaan  Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply