Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Guddida ilaalinta iyo Dabogalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Naasir Cali Shire, ayaa sheegay in dastuurka aannu ogolayn in siyaasi dhalasho dal kale haystaa murrashax madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ka noqdo Somaliland.
Xildhibaan Naasir Cali Shire oo shalay u waramayay wargayska Dawan, ayaa sheegay in qoddobka 82- aad ee Dastuurka faqaradiisa koowaad si cad u qeexayo in murrashaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ee u taagan Somaliland aanay yeelan karin dhalasho dal kale,waxaannu balanqaaday inuu Wakiilladda horkeeni doono mooshin la xidhiidha sidii loo fulin lahaa qoddobkaas dastuuriga ah.
“Waxa aanu guddida doorashooyinka isla soo qaadnay oo aannu ka wada hadalnay, una caddaynay in qodobka 82-aad ee dastuurka Somaliland faqaradiisa koowaad waxa ay si cad u sheegaysaa in murrashaxa madaxweyne iyo madaxweyne Ku-xigeen, in aanay yeelan dhalasho dal kale way ahaan karaan qaxoonti ku sugan dal kale oo wali dhalasho ka qaadan,laakiin qofkaasi hadduu baasaaboor ajaaniba haysto oo uu yahay qof dhalasho dal kale haystaa aanu noqon karin murrashax Madaxweyne iyo adaxweyne ku-xigeen, baarlamaankana waanu soo hor-dhigaynaa waana ka ansixinaynaa,”ayuu ku dooday Xildhibaanku.
Waxa kaloo uu xusay inay Komishanka Doorashooyinka ka wadahadleen sidii loo diiwaan-gelin lahaa hantida murrashaxiinta u tartamaysa jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne Ku-xigeenka ee saddexda xisbi qaran, waxaannu yidhi; “Waxa aanu labo jeer kala kulanay komishanka doorashooyinka in sannadkan ay ka duwanaato doorashada madaxtooyadu labadii doorasho ee hore waxaannu doonaynaa in la diwaan-galiyo hantida ay leeyihiin murrashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland,waxaana si cad u caddaynaya dastuurka qodobka 82-aad ee dastuurka faqradiisa labaad waxay sheegaysaa in la diwaan-galiyo murrasharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeennada ee xisbiyada ka tartamaya, waana talaabo aad u fiican waxaana ay qaranka u horseedaysa in musuqmaasuqa laga hortago.waxaana maalin dhow shir iskugu yeedhaynaa (Guddi ahaan) maxkamada iyo hanti dhawraha guud.”
Md. Naasir Xaaji waxa uu sheegay in wada shaqayni ka dhaxayso guddigiisa iyo hanti-dhawraha guud, kana wada hadleen sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka; “Wada shaqayn cusub ayaa ka dhaxaysa guddida dabo-galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada iyo hanta-dhawraha guud, waanu kulanay hantidhawraha guud waxaanay qaadeen talaabooyin lagu ilaalinayo hantida dawladda,waxaanan la kulmi doonaa maalmaha soo socda wasaaradda maaliyadda oo aannu ka wada hadli doono sidee loo ilaalinayaa hantida qaranka muddada lagu jiro kala guurka siyaasadeed,”ayuu yidhi Md. Naasir Xaaji Cali Shire.
Murrashaxiinta Madaxweynaha ee xisbiyada WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa sita dhalashooyin shisheeye, waxaanay labaduba leeyihiin dhalashada waddanka Finland oo ay xaasaskoodu degan yihiin.
Dawannews Hargeysa office