Siddeed Qof oo Meydkoodii laga Helay Gaadhi Xamuul

0
328

Meydka Sidde ed qof ayaa laga helay gaadhi kuwa xamuulka ah oo lagu baakimay bannaanka bakhaar ku yaal  magaalada San Antonio, gobolka Texas ee dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegayaan.

Labaatan kale ayaa la sheegay in xaaladdoodu ay halis tahay, ayna ku jiraan kuwo la aaminsan yahay in harraad iyo wadno garaac ay u dhimman gaadheen, waxaana loo qaaday isbitaalka.

Booliisku ma aysan sheegin halka uu gaadhigu ka yimid, balse waxay xaqiijiyeen in darawalka gacanta lagu hayo.

Waxay baadhitaan ku sameynayaan in gaadhigu uu ku lug lahaa tahriibinta dadka.

Laanta socdaalka ee Mareykanka ayaana baadhitaan ku haysa xaaladda dhibbanayaasha.

Madaxa booliiska San Antonio Police William McManus ayaa sheegaya in meydadka la helay kaddib markii uu la soo hadlay shaqaale bakhaarka ka tirsan, oo uu u yimid qof gaadhiga la socday oo biyo weydiistay.

 

Leave a Reply