Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa umadda ugu bushaareeyay in dalku helay Suuq labaad oo loo iibgeeyo xoolaheena iyo xayiraadii saarnayd oo uu ka qaaday dalka Sucuudi Carabiya.
Wasiir Cukuse, oo shalay warbaahinta kula hadlayay Saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dalka Imaraadka Carabta uu ogolaaday in loo iibgeeyo xoolaha Somaliland oo noqonaya suuqa labaad ee soo raaca dalka Sucuudiga oo ah Suuqa koowaad ee loo iibgeeyo xoolaha Soomaalida.
“Dalka imaraadka Carabta waxa uu naga ogolaaday inuu si gaar ah ictimaado inoogu furo oo uu noqdo dalka labaad ee aynu Xoolaha u iibgayno oo ganacsatada Carbeed iyo Sucuudi Carabiya ay ku soo biiran Tujaar kale oo carabeed oo ka socda dalka Imaraadka Carabta” ayuu yidhi wasiir Cukuse.
Cabdilaahi Maxamed Daahir, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Sucuudigu ay si rasmiya xayiraad uga qaaday Xoolaha nool ee Soomaaliland. Waxaanu yidhi “Waxaan umadda ugu busharaynaynaa iibkii ama dhoofkii Xoolaha nool ee tegi jiray dalka Sucuudiga oo in muddo ah inaga xayir-naa in la inoo furay, dedaal badan iyo ducada oo ALLE (SWT) inaga aqbalay kadib sucuudigu waxay inoo ogoladeen in aynu dirno Moosinka Xajka xoolihii noolaa ee aynu awalba diri jirnay wadahadalo muddo qaatay, waxaanu ku guulaysanay in boqortooyadda Sucuudiga u dhoofino xoolo cadadkeedu dhan yahay 1 milyan iyo boqol kun oo xoolo nool.
Wasaaradu waxay ka qayb qaadan doontaa kobcinta xoolaha si ay dadku uga faa’iidaystaan khayraadka aynu haysano.”
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa xusay inay dedaal ugu jiraan sidii Somaliland u heli lahayd waddama badan oo loo iibgeeyo xoolaha Nool, waxaanu yidhi “Waxaynu isku deyeynaa in aynu kordhino suuqa Saylada xoolaha aynu iibgayn karo oo aynaan ku koobnaan inta aynu u dirno imika oo keliya.”
Dawannews Hargeysa office