Somaliland oo Xubin ka Noqotay Xidhiidhka Kubadda Kollayga Adduunka

0
340

Hargeysa(Dawan)- Xulka Kubada Kolayga Jamhuuriyada Somaliland ayaa la xaqiijiyey inay ka qeybgeli doonto ciyaaraha  Xidhiidhka Kubada Koleyga Aduunka (FIBA) qabanayo ee loogu soo baxayo Koobka kubada Kolayga aduunka ee sannadka 2019 ka dhici doona dalka Shiinaha.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolloyga Somaliland. Mr. Maxamuud Qodax ayaa shaaca ka qaaday inay sida ugu haboon uga faa’iidaysan doonaan fursadan, isagoo yidhi,

“Sida ugu haboon ayaan uga faa’iidaysan doonaa ka qeybqaadashaha ciyaaraha kubada kolayga ee xidhiidhka FIBA qabto.”

Ogolaanshaha xidhiidhka kubada Kollayga aduunka ayaan fursad u siinayn keliya xulka Qaranka kubada Kolayga Somaliland ka qeybqaadashaha horyaalada  xulalka qaranka, balse ka qeybgeli doonaan ciyaaraha kooxaha qaarada Afrika ugu soo baxayaan koobka kubada kolayga aduunka ee lagu qaban doono dalka Shiinaha sannadka 2019.

Sidoo kale xulka Qaranka Kubada Kolayga JSL ayaa helaya fursad u saamaxaysa inay ka qeybgalaan tartanada ay ka mid yihiin:

Tartanka horyaalada kubada Kolayga Ragga iyo Dumarka ee 1da bisha Octoobar 2017.

Tartanka koobka kubada Kolayga aduunka, ee is-raab-reebka kooxaha  qaarada Afrika oo bilaabmi doona 25 Febr 2019.

Fursadan cusub ee xulka Qaranka  kubada Kolayga ee JSL helay ayaa wax badan ku soo kordhin doona heerka ciyaareed iyo khibradeed ee ciyaartoyda kubada kolayga Somaliland, isla markaana keeni doona in calanka JSL ka dul ba’bado garoomada Caalamka, oo inbadan oo shucuubta caalamku barato.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply