Dowlad Samaysanaysa Khad Internet oo aan la Jabsan Karin

0
379

Xili ay aad u soo kordhayaan weerarada xagga internetka ee adduunyada ayaa dowladda Shiinaha waxa ay samaysanaysaa qalab casri ah oo suurtogalin kara in aan  internetka laga jabsan karin.

Barnaamijkan ayaa waxaa lagu diyaarinayaa magaalada Jinan ee Shiinaha, halkaasi oo dad gaadhaya illaa 200 qof oo isugu jira ciidan iyo rayid ay qaab tijaabo ah fariimo isugu diri doonaan iyaga oo adeegsanaya internetkani cusub.

Mashruucani waxa uu qeyb ka yahay maalgalin culus oo dowladda Shiinaha ku samaynayso aaladani casriga ah, taasi oo ka duwan waddamada reer galbeedka oo la sheegey in ay ka cagojiidayaan. Waxaana la sheegey in kama dambeys Shiinaha ay qalabkani u iib geyn doonto adduunka intiisa kale.

Internetka si isa soo tarayso ayuu u yahay wax halistiisu ay badantahay, markastana ay suurtogal tahay in la jabsado xog kasta oo lagu keydiyo.wax kasta oo difaac ah oo horey loo sameeyey ayaa noqon waayay xal waara oo looga nabadgalo weerarada internetka lagu jabsado.

Habkan cusub waxa uu suurtogalinayaa in xitaa qofka fariinta direy iyo kan ay ku socotaba ay ogaan karaan haddii qof kale isku dayo in uu jabsado ama lasoo weeraro.

Prog Myungshik Kim oo ka tirsan jaamacadda Imperial College ee London ayaase su’aal ka qaba in barnaamijkani uu suuq yeelan doono iyo in kale, “Muddo dheer dadka uma aysan maleyn jirin in loo baahanyahay” ayuu yidhi isaga oo intaasi ku daray “Habka xisaabaadka ee loo baahanyahay in lagu dhiso barnaamijkani oo aad u adag awgeed, waxaa loo maleeyey in barnaamijkani uusan muhiim ahayn”.

Cilmi-Baadhista lagu hayo barnaamijkani ma ahan mid cusub oo Shiinaha ku eg, hase yeeshee sida uu qabo Prof, Anton Zeilinger oo ka tirsan jaamacadda Vienna ee dalka Austriya , Midoowga Yurub horey ayuu oga maagtay in uu maalgalin ku sameeyo cilmi-baadhista habkan “Yurub waa ay ka cago jiideysey arrintani, waxayna tani nagu kaliftey in aan tartanka ka hadhno” ayuu yidhi.

Arrintani ayaa waxa ay imaanaysaa xilli sanadihii lasoo dhaafay adduunyada ay ka dhaceen weeraro xagga Internetka ah oo aad u badan oo lagu jabsaday xogo aad u badan, laguna qaribey habka isgaadhsiinta casriga ah adduunka.

Leave a Reply