Wuxuu ahaa oday da’ah oo madaxiisu cadaaday markii uu soo galay hoolka kulliyada Arts, dhamaan ardaydii kulliyadaasi way isu wada taageen iyagoo filayay inuu yahay Professor-ka. Laakiin odaygu kurisigiisa ayuu iska fadhiistay sida ardayda kale.
Markii ay xiisaddii dhamaatay ayuu eegay ardaydii waxaanu ku yidhi “Anigu waxaan ahay kaboole, dayactirka kabaha ku shaqaysta, dukaankaygu wuxuu ku yaalla sekedda ugu horaysa dariiq Kacaanka lagu yidhaa. Waxaanan dhalay 7 caruuur ah oo maanta kala ah Dhakhtaro, Injineero, sarkaakiil ciidanka ah iyo gabadh iyaduna kalkaaliso caafimaad ah” .
“Habeen uu qoyskagu iska sheekaysanayay oo caruurtayda oo dhami falanqaynayeen cilmiga iyo aqoonta, ayaan hadalkii wax ku darsaday, laakiin mid caruurtayda ka mid ah ayaa igu yidhi “Aabo wuxuu ka hadlayaa mawduuc cilmi, adigu ma fahmaysid, ee iska dhaaf”. Aad ayaan u murugooday, laakiin wiilkayga uma jawaabin.
Maalintii ku xigtay waxaan soo iibsaday manhajka waxbarasho ee fasalka 9aad dugsiga sare anigoo hore ka dhex u dhameeyay, waxaana bilaabay inaan ku dhigto dukaankayga dhexdiisa iyadoon qofna iga warhayn.
Imtixaankiisa ayaan galay waan gudbay iyadoon qofna war ii hayn”. “Haddana waxaan soo iibsaday buugaagta Diploma waan bartay oo imtixaankii gudbay iyadoon qofna war ii hayn”.
“Maanta waxaan bilaabaya Jaamcaddii insha Allah markaan dhameeyo waxaan caruurtayda markaan u tago ku odhan doona. Tani waa shahaadada kaboolaha idiin soo korayay ee wax idin baray ee idiin guurayay u ogolaanaysa inuu sheekada idinla wadaago”.