Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheeegaya in goa’aan si dhaqso ah looga gaadhayo xeer ilaaliyaha guud ee marayakanka Jeff Sessions, kaasi oo uu si qaawan madaxweyne t Donald Trump u weeraray .
Madaxweynaha Maraykanka ayaa weeraray xeer illaaliyaha guud ee dalkaasi Jeff Sessions xili ay madaxweynaha ku furanyihiin baadhitaanno la xidhiidha in uu Ruushka garab ka heley xiligii doorashadii dhacday sanadkii hore.
Wararka ay qorayaan saxaafada Maraykanka ayaa sheegaya in Trump uu ka fikirayo in uu xilka ka qaado Sessions oo maalmahanba hadal-heyntiisa ay socotay.
Trump ayaa boggiisa Twitterka waxa uu ku qoray “Xeer Illaaliyaha Guud Jeff Sessions waxa uu go’aan daciifnimo ah ka qaatay baadhitaanka la xidhiidha dambiyada ay gashay Hillary Clinton , iyo dadka faafinaya siraha dalka”.
Mar sii horeysey Trump waxa uu Sessions ku tilmaamay nin go’doonsan, isaga oo ka qoomameeyay in uu markii horeba xilka u magacaabay.
Waxa uu Trump ninkani ku heystaa sababta uu isaga saaray guddiga baadhitaanka FBI ee la xidhiidhey lugtii Ruushka ku lahaa doorashadii dhacday sanadkii hore.
Isfaham darada madaxweynaha iyo xeer illaaliyaha ayaa gaadhay halkii ugu sareysey iyada oo Jeff Sessions uu Aqalka Cad tagay Isniintii si uu ula kulmo Trump, balse kulankaasi ma uusan dhicin sida ay sheegtey Sarah Huckabee Sanders oo ah afayeenada Aqalka Cad.
Wararka qaarkood oo soo baxay ayaa tibaaxaya in madaxweynaha uu booska ninkani ku badali doono duqii hore ee magaalada New York Rudy Giuliani.
Balse sida uu sharciga qabo haddii Sessions xilka laga qaado waxaa isla markiiba booska buuxinaya ku xigeenkiisa Rod Rosenstein, hase yeeshee Trump ma jecla ninkani laftiisa, horey ayuuna eedeymo ugu jeediyey.
Dadka siyaasadda u dhuun-daloola waxa ay sheegayaan in bartilmaameedka ugu weyn ee Trump uu yahay Ergeyga gaarka ah ee baadhitaanka fadeexadda Ruushka, Robert Mueller, kaasi oo uu ul booc ah ugu tukubayo sidii uu meesha uga saari lahaa.
Ma jirto cid ka badbaaday Trump, todobaadkii hore waxa uu u duur-xuley Agaasimaha cusub ee FBI-da Andrew McCabe, kaasi oo uu ku ka sheegey wax u muuqdey eedeyn musuq-maasuq, isaga oo sheegey in Hillary Clinton ay xaaska McCabe siisay lacag gaadhaysa $700,000 .
Sidoo kale todobaadkii hore waxaa xilkii isaga dagay afhayeenkii Aqalka Cad Sean Spicer oo ahaa foolka muuqda ee Trump.