Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay ka joojisay guud abaanba waxbarashada iyo in ay galaan oo ay ka mid noqdaan ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada dalka ee sannad dugsiyeedka 2017-2018ka 200 oo arday oo lagu helay in ay sifo sharci darro ah kaga soo gudbeen fasalo kala duwan xilligii ay ku jireen dugsigii dhexe.waxaana lagu eedeeyay inay ka been sheegeen heerkooda tacliimeed, kuwaasi oo wax ka baran jiray dugsiyada sare Maxamuud Axmed Cali iyo Al-jazeera oo labaduba ku yaalla caasimadda Hargeysa.
Ardaydan waxa laga mamnuucay inay waxbarasahda dalka sii wataan illaa ay soo caddeeyaan sifihii waxbarasho ee ay kaga soo gudbeen waxbarashadoodii dugsiyada hoose dhexe. Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habane(Cabdilaahi Dheere), ayaa ku dhawaaqay liiska ardayda ay ka joojiyeen waxbarashada guud ahaanba dugsiyada dalka Somaliland. Waxaannu ardaydan ku eedeeyay inay ka soo boodeen fasaladii dugsiyada hoose dhexe iyaga oo aan dhammeysan waxbarashadoodii.
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, Md.Cabdillaahi Ibraahim Habane isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlayay waxaannu yidhi “Muddo dheer oo ahayd saddex xilli sannad dugsiyeedyadii hore ee 2015-2016 qaybtiisii danbe iyo sannad dugsiyeedkan 2016-2017-ka waxaa baadhitaan lagu sameeyay dugsiyada hoose dhexe iyo sare, waxaana laga sameeyay gobollada dalka oo dhan,baadhitaanadaas oo ay ugu waynayd caasimadda Hargeysa,kormeerradaa kadib iskuuladii wax lagu helay qaar halkii ayay ku saxeen, laakiin laba dugsi oo midi yahay iskuulka Maxamuud Axmed Cali midna yahay midna yahay dugsiga Al-jazeera ayaa sixitaankii loogu taag waayay, waxaana loogu taag waayay in ardaydii ay sharci darrada ay ku fadhiisiyeen in ay qiil u sameeyaan, taasina waata keentay inay mobile-ka ku shaqeeyaan xilliyada imtixaanaadka ee qishka sababaysa, waayo ma buu soo marin jaranjaradii iskuulka, sida fasalki siddeedaad kii koowaad iyo kii labaad ee dugsiga sareba, fasalka saddexaad iyo ka afraad ayuu iska fadhiisanayaa halkaana waxaannu ku haynaa tiradii iyo magacyadii ardaydaasi kormeerku waa ay soo shaqeeyeen oo tiradii ayay soo sugeen magacyadii ayay soo sugeen cadaadina maaha ujeeddadeenuna waxaa weeyaan haddii aynaan ilaalin ardayga iyo sifaha uu ku imanayo meesha innooma soo baxayaan arday tayo leh oo waxbartay ,Kormeerka ayaa yeedhinaya waana laga joojiyay dugsiyada haddii ay la iman waayaan wax caddeyna, wax dugsi ah oo ay gelayana haba yaraado ama ha badnaadee ma jiro.”
“Waxaan codsaneynaa inay la yimaadan faylalkoodi hadday la iman waayaana Iskuulka ma soo galayaan xafiiskii imtixaanadkuna waa uu jooga kormeerkii guudna waa uu jooga, wax imtixaan ah oo ay gelayaana ma jiro mustaqbalka liiskoodana meel walba waa lagu dhajinayaa, imtixaankii shahaadiga ahaa ayaa laga waayay oo shahaadadii fasalada sideedad ay kaga soo baxeen ayaa loo waayay, kii fasalada koobaad ee dugsiga sare kaga soo gudbeenbaa la waayay arrintaasi markii dhinac walba laga eegay waxaa laga maarmi waayay in la shaaciyo oo dadweynahana loo sheego,”ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashaddu.
Dawannews Hargeysa office