Faransiiska oo Dalbaday in looga Gurmado Dab ka Holcaya Keymo Dalkooda ah

0
372

In ka badan 10,000 oo qof ayaa laga qaxiyey gobol ku yaala dalka Faransiiska halkaasi oo uu ka sii holcayo dab xoog badan oo qabsaday keymo halkaasi ku yaala.

Boqolaal shaqaalaha dab-damiska ah ayaa lagu daadgureeyay meesha loo yaqaan Bormes-les-Mimosas ee dalkaasi Faransiiska.

Dowladda Faransiiska ayaa gacan weydiisatay waddamada Midowga Yurub ee dariska la ah si wax looga qabto dabka sii fidaya.

Dhul lagu qiyaasay 4,000 oo hiktar oo dhaca dhul xeebeedka badda Mediterranean -ka ayaa lagu soo waramayaa in uu gabi ahaanba gubtay, halkaasi oo dadkii deganaa laga qaxiyey.

Dabka ugu xun waxa uu ka hurayaa meesha caanka ah ee loo dalxiis tago ee Saint-Tropez.

Ugu yaraan 12 shaqaalaha dab-damiska ayaa ku dhaawacmay dabka , halka 15 kale oo ciidamada booliiska ka tirsan ay ku waxyeeloobeen qaaca oo naqaska ku dhajiyay.

Haweeney dalxiise ah oo u dhalatay Britain, Lisa Minot, oo ku sugan meel u dhow St.Lopez ayaa BBC-da u sheegtay in dhammaan dalxiisayaashii laga qaxiyey halkaas, cabsi laga qabo dabka awgiis.

 

 

Leave a Reply