Hargaysa (Dawan)- Laanta jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada ee magaceedda loo soo gaabiyo OCHA ayaa ku yaboohday lacag wax lagaga qabanayo kumanaan qoys oo reer Somaliland ah oo ay saamaysay abaartii dalka ka dhacday.
Hay’adda OCHA ayaa daboolka ka qaaday in loo baahan yahay lacag dhan $1.5 bilyan oo dollar, si gar-gaar bani’aadan-nimo loo gaadhsiiyo dadka ay abaartu xoolaha ka saartay, iyadoo ay taas ugu darsantay roobabkii Gu’aga oo aan si fiican u di’in sannadkan.
Sidaasna waxa sheegay isku-dubaridaha hay’adda qarammada midoobay ee arrimaha bani’aadan-nimadda Somaliland iyo Somalia Mr Vincent Lelei, oo shalay shir ajraa’id ku qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.
Mr. Vincent Lelei, oo isaga iyo wefti uu hogaaminayay oo ka socday OCHA iyo hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin oo magaaladda Hargaysa safar ku yimid ayaa xusay in ay dawladda Somaliland kala shaqaynayaan sidii bulshadda kaalmadda u baahan gar-gaar bani’aadan-nimo loo gaadhsiin lahaa.
Madaxa barnaamijyadda bani’aadan-nimadda ee OCHA waxa uu sheegay in ay shalay kulan la yeesheen madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo xubno wasiirro ah, isla markaana ay isla falaqeeyeen sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa caawinta dadka abaartu haleeshay.
“Waxaan saaka kulan la yeeshay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo xubno ka mid ah golaha wasiirrada iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta qaranka. Doodihii aanu shalay (doraad) la yeelanay ururadda bulshadda rayidka ah iyo hay’adaha la shaqeeya qaramadda midoobay, baadhitaanadda iyo falan-qaynta arrimahaas hal meel ayay isugu imanayaan, taasoo ah heerka ay gaadhsiisan tahay xaaladda abaareed ee weli haysata bulshadda Somaliland”ayuu yidhi Mr. Vincent Lelei.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Weli waxaa degaamadda Somaliland ka muuqanaya raadadka abaarta, meelaha qaarkood xaaladu waa mid khatar ah. Waxaana loo baahan yahay in si wada jir ah looga hawl-gallo sidii wax looga qaban lahaa, ee gar-gaar bani’aadan-nimo loo gaadhsiin lahaa dadka abaartu haysato, waa in cod midaysan laga yeesho, waa in gacmaha la isku qabsado sidii dadka kaalmo loo gaadhsiin lahaa.
Waxaannu diyaar u nahay in aanu dawladda Somaliland kala shaqayno sidii bulshadda caawimadda u baahan loo taageeri lahaa. Anagoo raacayna dariiqa ah sida ay mudnaanta u kala siisay baahiyaha jira Somaliland, waxaanu diyaar u nahay in aanu gar-gaar bani’aadan-nimo gaadhsiino dadka u baahan.”
Waxa kale oo intaas ku daray Mr. Vincent Lelei, in ay la socdaan, isla markaana maanka ku hayaan in aanay sanadkan goboladda dalka qaarkood helin roobkii Gu’ga, halka meelaha qaarna uu dib uga dhacay xiligii ay dadku wax beeran lahaayeen. Sidaas darteed waxaan ka cabsi qabnaa in xooluhu ay waayaan Daaq ay cunaan.
Isku-dubaridaha arrimaha bani’aadan-nimadda u qaabilsan OCHA ayaa hoosta ka xariiqay ilaa bilawgii sanadkan in ay ku hawlanaayeen diyaarinta barnaamijyo gar-gaar lagu gaadhsiinayo .. waxaanu tilmaamay in Somaliland dad tiradoodu kor u dhaafayso 800, 000 kun oo qof in ay xiligan u baahan yihiin kaalmo. Halka dad gaadhaya milyan ruux ay heleen noocyadda kala duwan ee gar-gaar bani’aadan-nimo.
Dawannews Hargeysa office