Shirkad laga lee yahay wadanka Maraykanka ayaa soo saartay qalab aad u yar oo lagula socon karo shaqada iyo waxyaalaha uu iibinaayo qofka shirkadaasi u shaqaynayaa, kaas oo lagu xidhaayo jidhka qofka shaqaalaha ah.
Qalabkan ayaa hadda galay tijaabadiisii ugu horeysay, iyada oo lagu tijaabinaayo ilaa 50 shaqaale ah, kuwaas oo ka kala tirsan waaxyaha kala duwan ee shirkaddaasi, waxaana lagu magcaabaa shirkaddan Three Square Market, iyada oo dadka lagu tijaabinayaa ay yihiin kuwo si mutadawacnimo ah uga qayb qaadan doona tijaabadan.
Shirkadda oo madaxdeedu qoraal dheer kusoo qoree wargeyska Washington Post oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegtay in qalabkan si fudud loogula socon doono hab dhaqanka shaqaalaha iyo habkooda wax soo saar ama wax iibineed, iyada oo lagu abaal marin doono xisaabta uu qalabkaas yari usoo saaro.
Qalabkan ayaa lagu xidhayaa qofka fartiisa, iyada oo halkaasi lagala soconaayo wax soo saarka qofkaasi soo saaray iyo waxyaalaha uu iibiyey, waxaanu qalabkani si toosa ugu xidhan yahay Computers ay shirkadaasi lee dahay oo akhriyaaya warbixinta uu qalabku soo gudbiyo.
Qalabkan oo lagu magcaabo RFID ayaa noqon doona mid bedeli doona Kamaraddaha CCCamera loo yaqaano oo lagula socdo dhaq dhaqaaqa shaqaalaha lagulana tacaalo habkooda shaqo, sida uu sheegay masuul shirkaddaasi kamid ah oo lagu magcaabo Todi.
Shirkaddo badan ayaa durba soo dalbaday qalabkan yar, iyada oo uu hadda qiimihiisa dalabku maraayo ilaa $300 oo Doolar, inkasta oo aan hadda la iibiinayn ee uu tijaabooyinkii ugu horeeyey ku jiro.