Hargeysa (Dawan)–Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay u qadintay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, labadii Milyan ee ka hadhsanaa dhaqaalihii loogu talogalay in lagu qabto Doorashada Madaxtooyada ee muddaysan 13 November ee sannadkan. Ka dib markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo amar ku bixiyey in degdeg loo shubo lacagtan.
Munaasibadii lacagtan Wasiirka Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan ku wareejinaysay lacagtan labada milyan ee doolar ah oo lagu qabtay shalay xarunta Wasaaradda Maaliyada Somaliland, waxa ka gudoomay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo oo ay wehelinayeen qaar ka mid xubnaha Guddida Doorashooyinka.
Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in lacagtan oo ay ahayd inay bixiyaan 7-da Bisha August ee fooda innagu soo haysa, haseahaatee uu Madaxweynaha Somaliland amar ku bixiyay in la qadimo, waxaanay tidhi; “Maanta (shalay) waxaan halkan sidii balankeennu ahaa in 7-da bisha August aan labadii milyan ee dollar ($2,000,000) ee hadhsanaa aan idin siiyo, laakiinse Madaxweynaha waannu wadahadalnay, waxaannu yidhi waa in lacagtaa degdeg loo bixiyaa si hadhow waxyaalaha kale loo qabto oo hawlo badan ayaa jira oo ciidammo (security ah) ayaa la rarayaa iyo waxyaabo kale’e, balse horta labadaa milyan ee doorashooyinka ee la xoqayo inay innaga dhammaato oo hay’adaha ajnabiguna arkaan inaynu nahay dad isku filan oo waxooda qabsaday, iyagana waanu uga mahadnaqaynaa waxtarka ay innoo gesteen oo ilaa intii ay inala soo wadeen.”
Wasiirku waxay intaas ku dartay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay komishanka doorashooyinka kala shaqeyso sidii ay u qabsoomi lahayd doorashada madaxtooyadu; “Somaliland waxay doonto ha noqotee doorashada way qabsataa, waana sida uu dhaqankoodu yahay in dalku dimuqraadiyada iyo hadalka iyo ismaaga ay waxooda dacalka haystaan, waana waxa ay halkaa ku soo gaadhay Somaliland, wax ceebana maaha wax la innagu caayana maaha runtii, markaa waxaan odhanayaa labadii milyan ee dollar ee dawladda ku hadhsanaa ee ugu dambeeyey ee wax dambe aynaan isku raacayn maanta ayaan gacanta idinka saarayaa, ‘Xadhigiisa qabo aadmi kale kuma Xurmeeyaane’ illaahay waxaan idiinka baryayaa inuu idinku kaalmeeyo, hiil iyo hooba waaNnu idinla garab taaganahay, wixii kale ee soo baxana waannu idinla garab taaganahay oo halkaas ayaanu idiin fadhinaa laakiin lacagtan hadalkeedu ha innaga xidhmo, waxaanan jeclahay inaad naga gudoontaan,” Ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Maaliyada Somaliland.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa aad ugu mahadceliyey Wasiirka Maaliyada iyo Xukuumadda Somaliland, waxaannu yidhi; “Aad iyo aad ayaannu ugu mahadnaqaynaa Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo run ahaantii ku dedaashay lacagtaa doorashada iyo tii diiwaangalintaba ay ka hawlgasho sidii ay u dhammaystiri lahayd, Ilaahay baa mahad leh maanta ayay noo dhammaystirantay, balantu waxay ahayd bisha August horaanteeda, ayay annaga oo kormeer ku socona ayay nala soo hadashay Wasiir Samsam iyadoo leh lacagtii waan idiin hayaaye ii kaalaya, xalay ayaannu soo hoynay dhammaan xubnaha Komishanka oo dhan waxaananu ku jirnaa qabanqaabadii ugu dambaysay ee labadii gobol ee Sool iyo Sanaag oo iyagana qabanqaabadoodii ugu dambaysay aannu soo dhammaystirnay.”
Xukuumadda Somaliland waxay 10-kii bishii June ee sannadkan Komishanka doorashooyinka ku wareejisay labadii milyan ee doolar ee hore, iyadoo shalayna ay gacanta ka gelisay labadii Milyan ee hadhsanaa. Waxaanay tallaabadani muujinaysaa sida xukuumadda Somaliland ay uga go’an tahay in doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto wakhtigii loo muddeeyay.
Dawannews Hargeysa office