Daarasad Shaacisya in Shaaha Yareeyo Culayska Jidhka

0
381

Iyada oo daraasad hore lagu ogaadey in culayska lagu yarayn karo cunto badan oo subaxdii la qaato inta kalena laga tago ayay haddana jiraan daraasado kale oo iska soo daba dhacayaa, waxaana daraasadaasi hore samaysay jaamacadda Loma Linda Univeristy oo ku taala gobolka California.

Isla jaamacadda kale ee  Quang Tong University of Science and Technology  kuna taalada dalkaasi Chine ayaa daraasad ay dhowaan samaysay waxay ku sheegtay in Coffee-ga oo maalin walba la cabaa uu yareeyo culayska jidhka ee qofka.

Khubaradan ayaa tijaabo ku sameeyey jiirka loogu talo galay in lagu tijaabiyo daraasaddaha la samaynaayo, iyaga oo siiyey  Caffeine oo ah maado ku jirta Coffee-ga, waxaanay sheegeen inay ka dhigtay madadaasi jiirkaasi bilaa omateed , sidoo kalena culays badan ka riday misaankiisii.

Khubaro kamid ah jaamacaddaasi oo u waramaayey wargeyska Beijing Times oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in maadadani ay dedejiso maadooyinka ka shaqaysiya tamarta jidhka, iyada oo ka dhigaysa tamartaasi mid jidhku aad u isticmaalo.

Waxay ugu dambayn khubaradani sheegeen in maalintii oo la cabo afar koob oo Coffee ah ay keeni karto inuu hoos u dhaco culayska jidhka qofku.

Leave a Reply