Mudaharaad Lagaga Soo Horjeeday Dawladda Hoose oo ka Dhacay Magaalada Burco

0
363

Burco (Dawan)- Dadweyne gadoodsan ayaa shalay mudaharaad ka dhigay Agagaarka Garoonka kubada cagta ee Magaalada Burco, kaasi oo ay kaga soo horjeedeen dawladda hoose oo ay sheegeen in ay kula kacday caddaalad darro oo dhul laga raray cid kale la soo dejiyay.

Dadweynahan oo aad u kacsanaa ayaan ku kicin falal waxyeelo ku ah nabadgelyada,  waxaanay warbaahinta u sheegeen in laga raray garoonka kubada cagta ee Magaaladda Burco, dhulkii laga rarayna  Dawladda hoose cid kale siisay.

Xuseen Shugri ayaa saxaafadda u sheegay inay ka xun yihiin in meeshii laga raray dad kale la soo dejiyo, waxaannu yidhi; “Waxaanu ka cabanaynaa caddaalad darro halkana (Burco) ka dhacday oo dadkii qaarna la raray qaarna loo daayey, waxaan taagnahay goobtii la iga raray ee kubadda cagta, waxa dib loo dejiyey oo la siiyey dad kale   waxaana  caddayn ah dhagax ayaa  la soo dhigay oo waa la dhisayaa, markaa sharci darrada ayaanu ka xanaaqsanahay.”

Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Maayarku wuxuu  noo sheegay in gidaarka la naga raray aan cid danbe la soo dejinayn, waannu qaadanay amarka oo daarahayagii ayaa la burburiyey,  waxa uu nagu sameeyey caddaalad darro ,qabylaad ,eex  iyo qof jeclaysi, markii aannu waydinay wuxuu naga soo saaray xafiiskiisa. Waxaannu madaxweynaha Somaliland ka codsanaynaa in arrintan la eego oo dadka loo caddaalad sameeyo.”

Geesta kalena, masuuliyiinta D/Hoose ee Burco oo aannu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aannu wax uga weydiino cabashadan, ayaanay noo suurtogelin inaanu helo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply