Waqooyiga Kuuriya ayaa la sheegayaa in ay samaysay shalay tijaabo cusub oo ah ganataalada ballistikada ee qaaradaHa isaga gudba.
Warbaahinta Jabaan ayaa sheegtay in uu ganataalkaasi gaadhay joog ah ilaa 3,000km (1,865 miles), islamarkaana uu ku degay meel ka baxsan badda Jabaan.
Tijaabadan ayaa timi saddex wiig kadib markii ay Waqooyiga Kuuriya sameysay tijaabadeedii u horeysay ee gantaalaha ballaastikada ee ka gudba qaaradaha.
Gantaalkan ugu danbeeyay ayaa la sheegayaa inuu u duulay kor iyo dhererba in wax yar ka badan kii la riddeeyay Julay ee ay canbaareeyeen tiro dalal ahi.
Tijaabadan oo ah tii 14 aad ee ay sannadka 2017 sameyso Waqooyiga Kuuriya ayaa ah tii ugu danbaysay ee lagaga dhego adeygay mamnuucidda QM.