Booliska Kiiniya oo Dilay Nin Weeraray Guriga Madaxwayne ku xigeenka

0
382

Booliiska dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ay toogteen nin weeraray oo xoog ku galay guriga madxwayna ku xigeenka Kenya William Ruto .

Booliiska ayaa soo afjaray howlgalka oo socday muddo dhowr saacadood ah.

Mr Ruto iyo qoyskiisa ayaa ka maqnaa guriga markii uu dhacayay weerarka oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Eldoret.

Ninkani ayaa guriga galay ka dib markii uu Baangad ku dhaawacay askari booliis ah oo ilaalo ka ahaa ,waxa uuna ka qaatay qorigii uu sitay ,sida ay sheegeen booliiska.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay maalmo ka hadhsan yihiin doorashada guud ee Kenya.

Taliyaha guud ee booliiska Kenya Joseph Boinnet ayaa saxafadda gudaha u sheegay in xaaladda imika ay daggan tahay.

“Toogasho ayaa lagu dilay qorigiina dib ayaa gacanta loogu soo dhigay ,ma jirto wax khatar ah imika sababtoo ah hal qof oo kali ah ayuu ahaa.”waxaa sidaasi sheegay taliyaha booliiska Kenya.

Ma jirto wax faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay weerarkan.

Warar hore oo soo baxayay ayaa sheegayay in tiro rag hubaysan ah ay galeen guriga Mr Ruto ,hasa yeeshee booliiska ayaa markii danbe cadeeyay in weerarka uu gaystay hal nin oo kali ah.

Leave a Reply