Dad loo Haysto Afgembigii Turkiga oo la Horgeeyay Maxkamad

0
365

Waddanka Turkiga waxaa shalay  ka billaabantay maxkamadeyn muhiim ah oo la xidhiidha afgembigii fashilmay ee dalkaasi ka dhacay sanad ka hor, iyadoo  ay maxkamad ka soo muuqdeen in ka badan 480 qof oo lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen afgembigaasi.

Shakhsiga sida weyn loogu tuhmayo afgembigaasi ayaa ah wadaadka fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ee Fatxullah Gulen oo dowladda ay ku eedeysay inuu soo maleegay inqilaabkaasi fashilmay, eedeymahaasi oo uu wadaadku beeniyay.

Dacwadda ayaa diiradda lagu saarayaa wixii ka dhacay saldhigga ciidamada cirka ee Akinci ee magaalada Ankara.

Diyaaradaha dagaalka ee bambooyinka ku duqeeyay baarlamaanka dalkaasi ayaa ka soo duulay saldhiggan, waxaana la qafaashay taliyaha ugu sarreeya ciidamada iyo taliyeyaal kale.

Dowladda Turkiga ayaa rumeysan in saldhiggan ciidamada cirka ee Akinci uu ahaa halka laga xukumayay inqilaabkaasi fashilmay ee sanadkii hore.

486 qof ayay khuseysaa dacwaddan shalay billaabmeysay.

Toddobo ka mid ah dadka eedeysaneyaasha ah ayaan meelna lagu sheegi karin, waxaana ka mid ah Fatxullah Gulen oo ah ninka aadka loogu tuhunsan yahay iyo sidoo kale Adil Oksuz oo ka tirsanaan jiray ciidamada cirka isla markaana la rumeysan yahay in uu ahaa hoggaamiyihii inqilaabkaasi.

Eedeysaneyaashani ayaa loo haystaa eedeymo ay ka mid yihiin ku xadgudub dastuur, isku day dil ka dhan ah madaxweynaha, isku day in ay tirtiraan dowladda Turkiga iyo in ay maamulaan hay’ad argagixiso oo hubeysan.

Afartan  ka mid ah eedeysaneyaashani ayaa haddii lagu helo eedeymahani waxa ay wajahayaan xabsi daa’in.

 

Leave a Reply