Xildhibaan ku Baaqay in Golaha Wakiilladu Shaqadooda iyo Midnimadooda Xoojiyaan Cirro Kadib

0
402

Hargaysa(Dawan)-  Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in  goluhu ka niyad-jabsanaa labadii xil ee uu isku hayay  Md. Cabdiraxmaan  Cirro.

 

 

Waxa kaloo uu  sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay inay shaqadooda iyo midnimadoodaba xoojiyaan; “Wax cusub iguma aha in guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro iska casilo xilkii guddoomiyenimo, waayo muddo 12 sannadood ah waxa la sugayey in guddoomiyuhu xilka ka tago,waayo xil xisbi ayuu hayaa,  xil qarana wuu hayay bulshadana  muran badan ayay ku dhalisay. markaa waan soo dhawaynayaa in guddoomiyuhu yidhaahdo xilkaygii xisbinimo ayaan u ban-baxayaa oo uu ka tago aqalka wakiillada.

Golaha kala daadsanaan ayaa ka jirtay oo niyad jab ku ahayd  waxaannu  isleeyahay haddii isbeddel ku yimaado shirguddoonka golaha dardar cusub  ayuu geli doonaa,   golahana talo cusub ayaa u taalla  waana  inay ka fikiraan sidii ay hoggaan cusub  u dooran lahaayeen iyo sidii ay midnimadoodii u sii xoojin lahaayeen  iyo sidii qaranka u ilaashan lahaayeen,”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo shalay warbaahintu wax ka weydiisay sida uu u arko  inuu Guddoomiye Cirro ka tagay aqalkaas.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply