KULMIYE oo Iska Fogeeyay Eedihii uu WADDANI Kaga Baaqday Dooddii Murrashixiinta Xisbiyada

0
441

“KULMIYE waxa uu ahaa xisbigii ugu dambeeyay ee lagu wargeliyo inuu dooddaas kasoo qayb-galo”

 

By:Khadar.M.Dhako.

Hargaysa (Dawan)-   Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa sheegay in Madasha Wadatashigu soo qaban qaabisay dood loogu talogalay  in loo qabto  murrashaxiinta saddexda xisbi qaran, taasoo uu ka soo xaadiri waayay murrashaxa madaxweyne  ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cadilaahi   (Cirro).

Afhayeenka  xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed  Cali (Gaafaadhi) oo shalay magaalada Hargeysa kula hadlay warbaahinta ayaa ku tilmaamay nasiib-darro in xisbiga WADDANI  u tuhmaan in Madasha Wadatashigu ay ka tirsan tahay  xisbiga KULMIYE, oo xulafo  ay la yihiin, waxaanu carabka ku adkeeyay in murrashaxa madaxweyne ee  xisbiga KULMIYE ay doodda  ku casuumeen Madasha Wadatashigu.

“Waa nasiib darro eedda xisbiga WADDANI noo soo jeediyay oo aan meesheedii lahayn annagu maanu soo qaban qaabin Madasha Wadatashiga ayaa soo qabanqaabisay dooddaas, waanay ka sheegeen in iyagu ay soo qaban-qaabiyeen doodda xisbiga KULMIYE waxa uu ahaa kii ugu dambeeyay ee lagu wargeliyo in dooddaas uu kasoo qayb-galo, waxaana guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ay u sheegeen labadii xisbi ee kale inay aqbaleen inay ka soo qaybgalaan. Sidaas darteed guddoomiyuhu wuu aqbalay inuu dooddaas ka qayb-qaato,”ayuu yidhi afhayeenku.

Xasan Gaafaadhi oo hadalkiisa sii watay waxa uu xusay inaanay xisbi ahaan garanayn sababta uu WADDANI uu ugu tuhmay in Madasha Wadatashagu ay ka tirsan tahay KULMIYE. “Waxaananu ogaanay inuu goobta ka maqan yahay xisbiga WADDANI, muddona waa la sugayay, waanay iman waayeen waxay noqotay in doodda la sii wado  cid naloo tuhmi karana maaha cidda soo qaban-qaabisay doodad. Cabdisalaan Yaasiin ayaa daadihinayay iyo xubno kale oo Madasha ka mid ah oo meesha fadhiyay, su’aalahana waxa waydiinayay Madasha Wadatashiga, markaa ma garanayo cidda ay u nisbaynayaan inay KULMIYE ka tirsan yihiin,” ayuu yidhi Afhayeen Gaafaadhi.

 

Leave a Reply