Prof. Cali Khaliif oo ka Difaacay Xil ka Qaadistii Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Khaatumo

0
499

Caga-lule  waxa ka dambaysay oo si qayaxan u abaabulaysay maamul-goboleedka Puntland”

 

By: Khadar M. Xaashi

Buuhoodle (Dawan)-  Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay tallaabada ay xilalkii kaga qaadeen Ku-xigeenkiisii Cabdalle Maxamuud Cali  (Caga-lule) iyo afar xubnood oo kale, waxaanu ku dooday inay ka soo horjeesteen wadahadalka Somaliland ay kula jiraan oo hore maamulkoodu iskugu raacay inay wadaxaajoodkaas galaan.

Waxa ka mid ah qodobbada loo cuskaday xilka qaadista  Cagolule, inuu magaaladda Muqdisho  shirar kula galay madaxda dawladda  Soomaaliya oo lagaga soo hor jeedo wada hadalka  u socda Somaliland iyo maamulka Khaatumo.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof. Cali  Khaliif Galaydh, oo faahfaahin ka bixinayay  sababta ay baarlamaanku xilka uga qaadeen madaxweyne ku-xigeenkiisii hore waxa uu yidhi “Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Khaatumo  Cabdalle Maxamuud Cali  (Cagallule) oo la doortay 2014-kii,  oo markii hore-ba  baarlamaanku u arkayay madaxweye ku-xigeenku inuu hawlihiisa gudan waayay. Laakiin,   markan ugu danbaysay waxaa dhacday hawl lagu ogaa oo uu ku maqnaana aanay  jirin, dhawr bilood oo ugu danbeeyay waxaa uu joogay  Nairobi iyo Xamar oo ay ka socdeen shirar lagaga soo horjeedo Khaatumo,  laguna diidanaa  wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo  oo anaga qiimo weyn noogu fadhiya. Taasina  ay keentay in baarlamaanku ay ka shiraan dacwad-na lagu soo oogay in aanu xilkiisii  gudanaynin,  si qayaxana uga soo hor jeedo wada hadaladda Khaatumo iyo Somaliland.”

 

“Xildhibaannada baarlamaanka tiradoodu waa 32 way  maqnaayeen dhawr xildhibaan,   inkastoo  bishan 1-deedii  la furayo qorshahan madaxweyne ku-xigeenku waday  ayaa  ahayd in ay ka soo horjeestaan maamulkan.Waxaanu  bilaabay in uu hungureeyo xildhibaaannada,   shacabkii oo uu kiciyay oo shir isugu yeedhay waxaa uu ka hadlayayna waxay noogu muuqatay mida Xamar  ay  ka soo sheegayeen,” ayuu yidhi Cali Khaliif  oo shalay u waramayay BBC isagoo ku sugan Buuhoodle.

Waxa kaloo uu  ku eedeeyay  maamul goboleedka Puntland  in uu qayb  ka ahaa shirqoolka la doonayay in Buuhoodle lagaga dhawaaqo maamul cusub, isla markaana  ay abaabushay shirarkii Muqdisho ku dhexmaray xubnaha Khaatumo ka socday iyo madaxda dawladda  federaalka  Soomaaliya, waxaannu yidhi;  “Arrimahan  Cagalule ku kacay  Puntland ayaa ka danbaysay.  Waxaana  arrinkan isku duba ridayay shirarkana abaabulayay oo si qayaxan u abaabulayay  maamul goboleedka Puntland iyo dad ay u adeegsatay.

Shirarku-na sidaasi ayay ku dhaceen cida balamaha ka qabanaysay dawlada dhexe ee federaalka  Puntland ayay ahayd.”

 

Leave a Reply