Bulsho Sabool Ah Oo Degan Maraykanka!

0
472

Waxay ku nool yihiin Maraykanka , waxayna degan yihiiin deegaano ay ku yar tahay adeegyada waxabarashada iyo caafimaadka, dhallinyaradooda waxa haysata fakhri aad u ballaadhan.

Waxay caadaystaan daroogada iyo isdilkuna waaba u joogto.

Arrimahaasi nolosha kharibaya waxa u sabab ah ka dib markii ay ku qanci waayeen heer nololeedka ay ku jiraan.

Waxay ka cabanayaan shaqo la’aan iyo cunsuriyad joogto taasi oo mararka qaar dilal loogu geysto.  Hoggaamiyaha Qabiilada Hindida Cas (red Indians Community) Mr.Black Haw ayaa dhawr qarni ka hor reer Yurubkii ku soo duulay America ay ka sexeexeen qoraal ah inuu dego meelo gaar ah kana guuro magaalooyinka.

Sexeexa ayaa lagu sameeyay baad shimbireed.  Mar danbe ayuu sheegay in aanu sidaasi  moodayn  maxa yeeelay waxba ma akhriyi jirin mana qori jirin. Sidaas ayay dalal badan oo reer Yurub ahi uga sexeexeen wixii ay iyagu doonayeen shucuubtii badawda ahayd. Qabiiladan Hindida cas ayaan xuquuq iyo ixtiraam ku lahayn Maraykanka. Welina ku jirta nolol adag. Waxay haystaan halkudhegge ah “ Ma doonayno in aanu Tijaar noqono,w axaan rabnaa nabad iyo nolol”.

 

Leave a Reply