Madaxwaynaha Iiraan oo Digniin u Jeediyay Maraykanka

0
444

Madaxwaynaha dalka Iiraan Hassan Rouhani ayaa uga digay madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump in ay is miidaamin siyaasadeed noqonayso haddii uu isku dayo in uu meesha ka saaro heshiiska niyukleerka ee lala galay Tehran.

Xafladiisii dhaarinta ayuu Mr Rouhani waxa uu sheegay in Iiraan ay sii wadi doonto in ay u hogaansanto shuruudaha ku jira heshiiskaasi haddii sidaasi si la mid ah ay sameeyaan wadamada saxeexay heshiiska.

Bishii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii dowladda Maraykanka ay cunaqabatayn cusub ku soo rogtay dalka Iiraan.

Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in Iiraan ay cunaqabataynta ku mutaysatay barnaamijkeeda gantaalada iyo taageerada la sheegay in ay u fidiso kooxaha argagixisada.

Xukuumadda Tehran ayaa dhankeeda sheegtay in cunaqabataynta cusub ay tahay mid jabinaysa heshiiskii niyukleerka ee Iiraan lala galay.

“Kuwa doonaya in ay jarjaraan heshiiskii niyukleerka waa in ay ogaadaan in ay jarjarayaan nolashooda siyaasadeed,”ayuu yidhi Mr Rouhani oo jeedinayay khudbadiisa caleema saarka.

Madaxwayne Iiraan ayaa ku eedeeyay Maraykanka in aysan ka go’nayn heshiiska ,waxa uuna Maraykanka ku tilmaamay saaxiib aan la isku halayn Karin.

Dhanka kale saraakiisha dowladda Iiraan ayaa waxay ugu baaqeen midowga Yurub in aysan la safan maamulka madaxwayne Trump.

 

Leave a Reply