Drs. Edna Aadan oo Dardar-gelisay Masuuliyadii Madaxweynuhu u Igmaday

0
459

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud ayaa 24 bishii July ee la soo dhaafay uu  ergayga Somaliland u qaabilsan  wadahadalka u socda Soomaaliya u magacaabay Drs. Edna Aadan Ismaaciil, oo uu  ugu xishay kartideeda iyo aqoonteeda diblomaasiyadda.

Marwo Edna Aadan oo si weyn u soo dhawaysay xilka cusub ee uu madaxweynuhu u magacabaay waxaanay dunidda u sheegtay in aannay marnaba Somaliland la midoobi karin dal fashilmay oo ay haystaan Argagaxiso iyo Budhcad-badeed , waxaanay tidhi; “Soomaaliya waa qaran fashilmay, yaa maskaxda ku haya inuu la midoobo Alshabaab , inuu la midoobo  budhcadbadeed iyo Aragagaxiso.”

 

 

Su’aashan ayaa hal-xidhaale ku noqday madaxda caalaamka   oo laga filayo inay jawaab  ka bixiyaan waxaanay muujinaysaa falsafadda iyo waayo-aragnimadeeda siyaasiga ah.

 

 

 

Ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadalka Soomaaliya ayaa safarkeedii  ugu horaysa ku tegtay dalka Jabuuti , waxaanay amaantay nidaamka shaqo ee Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti “Waxa uu isbeddel ku yimid hanaanka diblamaasiyadeed ee halkan ku arko , xidhiidhka Saaxiibtinimo ee la soo kordhiyey ayaan ku faraxsanahay iyo xidhiidhka lala yeeshay dawladdaha halkan (Jabuuti) xafiisyada ku leh ee Safiir Cabdifataax sameeyey ayaan ku qanacsanahay,” ayey tidhi Marwo Edna Aadan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle,oo xafiiskiisa ku qaabilay  ayay uga xogwarantay siday daruuriga u tahay in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu ku dhammaado jawi nabadeed si gobolka Geeska Afrika ugu naaloodo xasilooni. waa kulankii u horreeyay ee ay la yeelato Madaxweyne ka mid ah dalalka ku jira urur-goboleedka IGAD tan iyo markii dhowaan loo magacaabay xilka ergay Somaliland ee wadahalka Somaliland iyo Soomaaliya. waxaana kulankan ku wehelinayay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti, Cabdifataax Siciid Axmed iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland, Xuseen Cumar Kawaaliye..

 

Bulshadda Somaliland ayaa si weyn u soo dhawaysay  magacaabista Marwo Edna Aadan oo ay ku macneeyeen inay tahay qofkii ugu habboonaa ee mansabkaas loo dhiibi lahaa. Waxaanay dadka fikirkaas qabaa ay aaminsan yihiin  inay  dhinaca Somaliland-nimada ay tahay qof uu dhuuxeeda raacday qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply