Xildhibaan Koore oo Loo Xidhay Weerar uu ku Qaaday Guddoomiyaha Cusub ee Wakiillada

0
387

Hargeysa(Dawan)- Khilaaf gacan-ka-hadal isu rogay ayaa shalay  xarunta Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda  Somaliland ku dhexmaray Guddoomiyaha cusub ee golahaas Md.Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ahaa murrashaxiintii  tanaasulay, markii dambena u coddeeyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo hal cod lagaga guulaystay.

Dagaalkii Xarunta Golaha Wakiillada:

Md. Saleebaan Cali Koore, wuxuu xafiiskiisa kula dagaalamay shalay barqadii Guddoomiyaha  cusub Md. Baashe Maxamed Faarax, waxaana la weriyay inuu gacanta isagu ku horreeyey, waxaannu  xoog ku galay xafiiska Guddoomiyaha, halka dirawalkii Xildhibaanku uu xabad ka dhex riday  xarunta golaha, waxaanu falkaasi keenay   in la xidho  Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, wiil uu dhalay iyo dirawalkiisii waxyar  ka hor intii aanay ciidammada   Boolisku   la soo dhoobin aqalka  Baarlamaanka oo ay ammaankiisa aad u adkeeyeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha:

“Arrinta golaha ka dhacday gacan qaad ha noqoto, ma hub la adeegsaday ha noqotee ciddii gaysatay khalad weyn ayey sameeyeen, waanay xidhan yihiin Xildhibaanka iyo laba nin oo la socdayba,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka hadlayey shirjaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa shalay, waxaannu tilmaamay inaan loo baahnayn doorashadii la isku bogaadiyey dib la iskugu qabsado, waxaannu yidhi; “Doorashadii Axadii  dhacday ee guddoomiyaha cusub ee Wakiillada, waa la isku  hambalyeeyey oo xildhibaankii laga helay wuu hambalyeeyey xildhibaankii   la doortay. Hadalkii ka soo noqday Murrashaxa Xisbiga WADDANI waxaannu u arkaynay mid aan meesha ku jirin oo aan ahayn  mid loo baahan yahay arrintaas waxaa  wanaagu ku jiray in sida la iskugu  hambalyeeyey  lagu daayo.”

 

Wasiir Faratoon, waxa uu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku eedeeyay inay wadaan dhaqdhaqaaqyo xasilooni darro dhalin kara, waxaannu yidhi; “Xisbiga WADDANI dhaqdhaqaaqiisa waxaannu  u aragnaa inuu dalka dhibaato u soo jiidi karo xasilaani darro iyo buuq aan loo baahnayn, taasna u dulqaadan mayno ,haddii aanu  nahay wasaaradii amaanka  qaabilsanayd,  gacan bir ah ayaannu ku qabanaynaa.”

 

 

 

 

 

 

Cabdiraxmaan Talyanle:

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa Axadii doorashada ka dib  u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub Md. Baashe Maxamed Faarax oo helay 39 cod, halka uu isaguna ay u coddeeyeen 38 Xildhibaan,“Guddoomiyaha cusub ee la doortay hal cod buu i dheeraa  waan u tahniyadaynayaa, waxaan leeyahay hambalyo. Xildhibaannadii labadayadaba noo coddeeyey iyana waan amaanayaa, dimquraadiyad bay muujiyeen, xilkasnimo ayay  muujiyeen. Anigana dareenkaygu wuu wanaagsan yahay golaha waxaan leeyahay hambalyo,”ayuu yidhi Md. Talyanle, haseahaatee habeenimadii ayuu ka noqday go’aankiisii hore, waxaannu sheegtay inuu yahay  Guddoomiyaha sharciga ah ee 39-ka Xildhibaan doorteen. Waxa kaloo uu intaas ku daray inuu Isniintii dacwad la xidhiidha doorashada u gudbiyey maxkamadda sare.

 

Mowqifka Xukuumadda:

 

“Waxaannu ummadda reer Somaliland u caddeynaynaa in aan laba guddoomiye jirin oo Cabdiraxmaan Talyanle-na la soo kiciyey  oo ay Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi  soo kiciyeen ay Saxaafadda soo fadhiisiyeen, Talyanle horta waa nin wanaagsan, waana nin dalkan taariikh weyn ku leh, laakiin meel khalad ah ayuu galay oo Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle wuxuu sheegtay guddoomiyenimo oo iyada lafteedu ah dambi qaran oo dalkani taariikh iyo nidaam ayuu leeyahay, mana aha Soomaaliya iyo Xamar oo kale, balse Somaliland ayaa na la yidhaahda, tani waa Hargeysa ninna ma sheegan karo Madaxweyne ama ninna ma sheegan karo guddoomiyaha Golaha Wakiillada, isaga oo aan loo dooran, ninna ma sheegan karo guddoomiyaha Golaha Guurtida isaga oo aan loo dooran, shuruuc ayaanna ka taala….cidna laga yeeli maayo inay shuruucda ku xad-gudbaan ee waa in shuruucda la ilaaliyo,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) waxa kaloo uu intaas ku daray; “Haddii aanu nahay Xukuumadda uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland hogaaminayo, waxaannu u arkaynay tartankaasi in laba Xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI ay loolankaasi isku hayeen, waxaanan qabnaa sidii dimquraadiyaddu ahayd ama Jamhuuriyadda Somaliland lagu yaqaanay ay arrintaasi u dhacday, waanan ku hambalyeynaynaa gelinkii hore ee (maalintii Axadda) hawshaasi sida ay u dhacday, waxa kaloo aanu ku hambalyeynaynaa guddoomiyaha la doortay Md. Baashe Maxamed Faarax ee hore u ahaa guddoomiye-ku-xigeenkii 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland.”

“Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan filayaa in aad intaa ka dib maqasheen hadalada ka soo yeedhay xisbiga WADDANI ee ay ku diidan yihiin natiijadii doorashadii lagu doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxaannu aaminsanahay haddii aanu xukuumadda nahay in si sharci ah oo xalaal ah oo cad hal dheeri lagu doortay guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kaasina uu yahay Baashe Maxamed Faarax, balse waxa fajac iyo yaab ku riday hadaladan dambe ee is maax duminta ah ee ka soo baxay Xisbiga WADDANI, murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo taageerayaashii fadhiyey waxay si toosa u arkayeen natiijadii halkaas ka dhacday, waxaanay taasi caddeynaysaa inay tahay mid ka timmi hoggaanka xisbiga WADDANI iyo murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, balse aanay ahayn mid aanu u qabno in Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle ay diidmadaasi dhankiisa ka timmi,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply