Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Laba Degmo oo Cusub

0
377

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  magacaabay digreeto uu soo saaray ku magacaabay laba degmo oo cusub oo kala hoos tegi doona gobollada Togdheer iyo Awdal.

 

Waxa sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka madaxtooyada Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cigge (Dayr), waxaannu u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-4960/082017 uu maanta(shalay) ku magacaabay labada degmo.

 

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

 

Markuu Tixgeliyey:Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Masalaha Gorad iyo Cali Xaydh loo magacaabo Degmooyin cusub; Markuu Dhegeystay:   Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 

Wuxuu go’aansaday;

 

1.In uu Masalaha Gorad u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

  1. In uu Cali Xaydh u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply