Guddoomiyaha KULMIYE oo si Layaab Leh Loogu soo Dhaweeyey Kala-baydh iyo Dharkeyn-geeyo

0
344

Kala-baydh(Dawan)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweyne ee xisbal-xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan   loogu soo dhaweeyey deegaannada  Kala-baydh iyo Dharkayn-geeyo  ee gobolka Sool oo ay hawlo la xidhiidha wacyigelinta kaadh qaadashada ku soo mareen shalay.

 

Weftigan oo ay xubno ka yihiin wasiirro, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale, ayaa waxa goob  ka baxsan magaalada Kala-baydh  kaga hor yimi kumanaan kamid ah dadweynaha ku dhaqan degmadaas, kuwaas oo lulayey caleemo qoyan iyo astaanta xisbiga KULMIYE.

Murrashax Muuse Biixi iyo weftigiisa, ayaa socod dheer ku soo maray gudaha magaalada Kala-baydh, waxaana loo galbiyey madal loogu talogalay inay shacabka kala hadlaan.

Siyaasiyiin, xildhibaanno, maamulka gobolka Sool iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka degmada Kala-baydh uga mahadnaqay soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen. Haldoorka, cuqaasha, waxgaradka iyo xubno kale oo kasoo jeeda deegaanka kala-baydh oo hadallo kooban jeediyey, ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa uga mahadnaqay booqashadooda, iyaga oo si weyn u ammaanay waxqabadka xukuumadda KULMIYE halkaas ka hirgelisay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa dadweynaha degmada Kala-baydh ku bogaadiyey soo dhaweyntooda, waxaannu   ku dheeraaday kaalinta lama ilaawaanka ah ee haldoorka deegaanku ku lahaayeen qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo isagu guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminayo casuumad hadhimo-dharafeed ah ku maamuusay, ayaa shacabka degmada Kala-baydh ku adkeeyey inay qaataan kaadhadhkooda codbixinta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply